Wasiir Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga Ah Saciida Sheekh Axmed Oo Gaartay Magaalada Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga calaamiga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Saciida Sheekh Axmed ayaa Soo gaartay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoona ka soo ambabaxdey magaalada Brussles ee dalka belgium-ka.

Wasiir Saciida Sheekh Axmed waxa garoonka diyaaradaha Ee Caalamiga ah Aden Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda KGS oo ku sugan Muqdisho, xildhibaano iyo qaar ka mid ah bulshadda rayidka ee KGS.

Wasiirka ayaa lagu wadaa In ay gaarto magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona qeyb lixaad Leh ka qaadan doonto, xoojinta Cilaaqaadka caalamiga ah ee u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo beesha caalamanka.

Ugu dambeyntii, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Saciida Sheekh Axmed Ayaa khibrad weyn waxay u leedahay diblomaasiyadda Caalamiga ah iyo raadinta geed-socodka nabadda aduunka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wasiir Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga Ah Saciida Sheekh Axmed Oo Gaartay Magaalada Muqdisho"

Leave a comment

Your email address will not be published.