Sawiro Taariikhi Ah: Maxaad Ka Taqaanaa Magaalada Marka iyo Dadka Deggan?

Waxaa halkaan idinku soo gudbineynaa taariikh kooban oo ka hadleyso magaalada Marka. Magaalada Marka waxay ka mid tahay magaalooyinka maamuuska weyn ku leh Somalia marka laga hadlaayo taariikhda degmooyinka Somalia, gaar ahaan dhaqdhaqaaqii looga hortagayey gumeystihii cadaa ee Soomaaliya ku soo duulay.

Buug 1935-kii uu Somalia ka qoray Pietro Barile oo uu ugu magac daray “Gumeystihii Faashiga Talyaaniga Ee Koonfurta Soomaaliya” ayaa waxaa uu qaybo muhiim ah uu kaga hadlay magaalada Marka iyo beelaha degan. Buuggani wuxuu u kala qaybinayaa magaalada Marka labo qaybood oo kala ah: (1) Deex – oo ah dhulka bacaadka ah ee badda dhaco (2) Dhoobey – oo ah deegaanada hoosyimaado magaalada Marka ee dhaca dhulka dhoobeyda ama wabiga u dhow.

Markaad akhriso hordhaca iyo afeefada buugga (Abstract-ga) ee uu qaray Pietro Barile, wuxuu sheegayaa in mar walbo oo uu wareysto qof reer Marka ah iyo qabiilkiisa, wuxuu sameynayey qoraaga inuu safar u galo tuulooyinka ku hareereysan magaalada Marka si uu halkaas uga soo ogaado in beesha ninkaasi sheegtay inay joogto tuulooyinka magaalada Marka ay maamuleysay xiligaasi, qaabkaasa ayaana lagu saleeyaa maamulada qowmiyadaha deggan degmooyinka aduunka.

markacadeey_asal_01

markacadeey_asal_02

Qoraaga Buuggan ayaa tookada uu ka hadlaayo Sh/hoose wuxuu ku bilaabayaa degmada Afgooye iyo beelaha deggan, marka xigta wuxuu ka hadlayaa degmada Marka iyo beelaha deggan oo sidan u qoran”2-Quadro delle popolazione dell territorio di Merca“, Screenshot aan ka soo qaadnay Buugga ayaa sidan ah.

markacadeey_asal_03

Sida idiin muuqato, qoraaga buuggan wuxuu si fahfaahsan uga hadlay dadka deggan iyo beesha ay u dhasheen.

cowslafil.com

4 Comments on "Sawiro Taariikhi Ah: Maxaad Ka Taqaanaa Magaalada Marka iyo Dadka Deggan?"

  1. Marka cadey minal owcismaan dadka daga qof kasta ayaa taqaana 1-Cowrayahan 2-Jareerweyne. 3-Shanta koofi. 4-shiiqaal.5-Muroodle.6-Shaashi.7-Dagoodi. 8-Habar-Gidir.9-Ajuuraan.10-Digil iyo Miriflle.11-Mareexaan. 12-Ogaadeen 13-majeerteen iyo boqolaal qabiilada yaryar ah oo aanan magacooda Xasuusanin. Marka adigu xagee ka dagan tahay Markacaddey?magacaaga kuma maqale.

  2. hahahhaha xabadah I kartay. beledwaynaha sidoo kale oo intaas ayaah wax kadagtah. oo iskah so sharaxeyso.xwadleh midgaan kuna maqal baladweneh. inatah qabil aad sotirisay ayah dagan.baladweneh.oo uu galjecel hoagaminaayo.

  3. xawadlr adunkah wax kacabad badan malahan. hore ayaah loo dhahey ileen doqoni dabi kamakacdee daman keeh meer merisaah. war adeer nabad qado meshan xog waah dhamadey beshan bel xog lo shekan karo mahan. ku wah adiga kaah xog badan kaah dabaa bad badan ayaah barqad wada qadey . marka hadii aad rabtid nabad welcom hadii aad rabtid dagaal labadabah wel com. ee sidi dumar kii ha u calaacalin

  4. Hal su’aal ayaan ku weeydiinayaa xawaadlle in uu hiiraan Leeyahay gaal iyo Muslim ayaa og ee hadii markacadey buug talyaanigii ka qoray muxuu ugu qori waayey qariirada soomaalia in qabiil surre la yiraahdo leeyahay? Sida Xawaadlle ugu qoran yahay qariirada

Leave a comment

Your email address will not be published.