Kunka Shilin ee Soomaaliga oo dhintay

Alle ha u Naxariistee Waxaa Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku Geeriyootay Xaawo Nuur Hiraabe oo kamid aheyd Labada Haween ee ku Sawiran Kunka Shilinka Soomaaligaa.

Xaawo Nuur Hiraabe oo Mudooyinkaan Xanuun Saneyd ayaa Saaka ku Dhimatay Goob Caafimaad oo ku taala Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Mid kamid ah Ehelada Xaawo Nuur Hiraabe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Mudooyinkaan danbe ay Xanuun saneyd islamarkaana Saaka uu Alle oofsaday.

Horay ayaa waxaa u Geeriyootay Faadomo Xirsi oo kamid aheyd Labada Hablood ee ku Sawiran Kunka Shilinka Soomaaliyeed.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Kunka Shilin ee Soomaaliga oo dhintay"

Leave a comment

Your email address will not be published.