Ciidamada deegaanka oo goor dhow si buuxda ula wareegay No 50 ilaa Buushka

Ciidamada deegaanka oo goor dhow si buuxda ula wareegay No 50 ilaa Buushka

Warar goor dhow naga soo gaaray Degmada No 50 ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka ay xilliga si buuxda gacanta ugu hayaan Degmada No 50.

Xiriir aan la sameynay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Deegaanka ayaa inoo sheegay in ay gebi ahaan gacanta ku hayaan Buushka ilaa No 50, ayna soo galeen maanta duhurkii abaarihii 8 saac.

Ciidamada deegaanka ayaa ku qabsaday magaalada dagaal laáan kadib markii Maleeshiyadii halkaasi ku sugneyd ay isaga baxeen, kadib dagaal culus oo labada dhinac ku dhex maray Buushka iyo No 50 maalintii shalay ahayd.

Dagaaladii ka dhacay Buushka iyo No 50 maalmihii la soo dhaafay ayaa dhinaca maleeshiyada gobolka ku soo duushay lagu gaarsiiyay qasaare aad u xoog leh,jabkii ka soo gaaray dagaaladaas gaar ahaan dagaalkii dhacay Khamiistii la soo dhaafay oo saraakiil sar sare looga dilay ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u tahay ka bixitaankooda magaalada.

Xaalada No 50 ayaa hadda kacsan iyadoo laga yaabo in goor walba ay dagaalo qarxaan.

Sidoo kale magaalada Marka ayaa laga so sheegayaa iney iskaga baxayaan maleeshiyaadki dhawaantaan xooga kusoo galay magaalada kadib marki culeysyo badan kasoo fuuleen ciidamada degaanka kuwaas oo jiho walbo magaalada fariisamo ka sameestay waxana dhawan laga cabsi qabaa inuu dagaal aad u qaraar ka dhaco magaalada   gudaheeda waxa dhaqadhaqaayo badan ay  socdaa gobolka oo dhan taas oo ay maleeshiyaadka degaanka ay baabul badan ka wadaan meelwalbo oo gobolka ka tirsan

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada deegaanka oo goor dhow si buuxda ula wareegay No 50 ilaa Buushka"

Leave a comment

Your email address will not be published.