Dagaal Qaraar Oo Mar Kale Maanta Ka Qarxay Sh.Hoose

Dagaal Qaraar Oo Mar Kale Maanta Ka Qarxay Sh.Hoose

Barqanimadii maanta abaarihii 11:00 duhurnimo ama shan saac ayaa dagaal waxa uu mar kale ka bilowday Degmada Lambar 50 iyo deeganada ku dhow dhow.

Dagaalka ayaa ka kala dhacay agagaarka Buushka iyo No 50.

Dhinaca Buushka ayaa ciidamada deegaanka waxay dagaal culus kula galeen Maleeshiyada duulaanka ku ah gobolka oo fadhiyay goobta lagu magacaabo Shirkada Balan, ayna ka saareen maleeshiyadii fadhiday, qasaare xoog lehna ku gaarsiiyeen.

Dagaal culus ayaa sidoo kale ka qarxay Degmada Lambar 50, halkaas oo ciidamada deegaanka ay maanta mar kale weerar ku ekeeyeen dagaalka ayaa markii hore intiisa badan ka socday Suuqa Siinaay ilaa xarunta nationka ee No 50, haddana waxaa leysla aaday dhinaca iyo laamiga 50.

Dagaalka weli waa uu socdaa, mana lagu kala bixin.

Ciidamada deegaanka ayaa dagaalo aad u badan ku qaaday maalmihii la soo dhaafay NO 50 ilaa Shalambood inta u dhexeysa, kuwaasoo oo ah dagaalo ay ku faaneynayaan maleeshiyada duulanka ku ah gobolka, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka mid ah ciidamada deeganka oo aan la xiriirnay.

Wixii warar ah oo ku soo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doona

cowslafil.com

1 Comment on "Dagaal Qaraar Oo Mar Kale Maanta Ka Qarxay Sh.Hoose"

  1. Heshiiska Xildhibaannada Direed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
    Jul 2, 2014 – jawaab
    Xogta laga helaayo ilo wareedyada, kuna saabsan heeshiiska la doonaayo in laga gaaro dagaallada Sh. Hoose, ayaa ah kuwa horey u meel mari waayey, laakiinse la doonaayo in si qalin ku xadid ku jirto loo doonaayo in lagu meel mariyo.

    Bal aan soo qaadanno 3da qodob ee la doonaayo in la meel mariyo , isla markaana aan woda ifinno, mid mid, si aan u caddeyno meelaha ay wax ku qarsoonyihiin..

    1- In maleeshiyada Habargidir laga saaro deegaanada ay ku duuleen ee gobolka Sh/hoose.

    Qodobkaani waa mid aan dood geleyn, oo ah, waajib , hadiise aan la fulin, waxay noqon kartaa mid dalka dagaal sokeeyo dib dalka oogu celiyo..

    Qodobkaani waxaa loo soo hor mariyey dijin iyo indha sarcaad iyo niyad wanaag muujin la tusaayo beelaha Direed, si ay u oggolaadaan qodobbada la doonaayo in laga fushado.

    2- Ciidamada deegaanka iyagana lagu xareeyo xarooyin cayiman iyaga iyo hubkooda.,

    Qodobkaani waa mid aan caddeyn, waayo waxaa ku hoos qarsan, berrito in la yiraahdo, waxaa lagu xareynayaa , xadho ku taal gobollada dhaxe iyo meel ka fog deegaankaan, taasi oo ah, gogol xaadh qodobka soo socdo..

    Waxaa meesha ka cad , goorta la fuliyo qodobka koowaad, si dhaqsi ah in loo fuliyo labada qodob ee ku xiga..

    Ciidanka deegaanka waxaa lagu tilmaamey maleeshiyo beeleed, sida kuwa meesha kusoo duuley oo beel keli laga soo qaadey inay ahaayeen maleeshiyo beeleed, halka kuwa kale lagu tilmaamaayo inay yihiin ciidan dowladeed, kuwaasi oo ahaa kuwii soo hooggaamiyey , kuwa maleeshiyo beeleedka duullaanka soo qaadey, oo la woda ogyahay inay yihiin ciidan beeleed oo isir raac isu soo baheystey, si ay u makkaniyaan walaalahooda Habargidir.. si ay ula wareegaan maamulka gobolka aysan ab iyo isir u leheen..

    Haddaba qodobkaan 3aad aan dhuuxno, maxaa inooga baxaayo..

    Horta dib u fiiri, qodobka koowaad:

    Degdeg uga saarid maleeshiyada Habargidir ee gobolka kusoo duuley, halka kuwii keeney , ay halkii ay ka yimideen sii joogidoonaan..

    Qodobka labaadna waa si degdeg u xareynta maleeshiyada gobolka, oo la geendoono goob aysan ka imaan Karin, amase kasoo gaarikarin deegaankaan hadduu dagaal ka dhaco, halka maleeshiyada Habargidir, ay weli joogaan gobolka Banaadir iyo meelo aan ka fogeen deegaanka, ayaga oo aan loo celin gobollada dhaxe iyo meeshii ay ab iyo isir u lahaayeen.

    Waa tahay qodobka 3aad maxuu leeyahay bal aan woda dhuuxno..

    3.In dadka ka qaxay deegaanadooda fursad loo siiyo in ay ku soo noqdaan, magaalooyinka laga saaray maleeshiyada lagu wareejiyo ciidamo isugu jira booliis iyo nabadsugid.

    Qodobkaan waa mid boor weyn lagu kicinaayo, waayo waxuu leeyahay waa in lagu soo celiyo dadkii guryahoodii iyo magaalooyinkii ay ka bara kaceen, isla markaana magaalooyinkaasi lagu wareejiyo , “CIIDAMO BOOLIIS IYO NABAD SUGID”.

    Qodobkaani waxuu ka dhiganyahay marxaladda maanta la joogo, mid ka weyn caqliga caruurta, waayeel iyo wax garad iskaba daayee..

    Waxaannu leennahay xildhibaannada beelaha Direed, arrinta yaysan idin ka hoos bixin, qodobkaani waa midka kiciyey dagaallada , loona laayey culumo iyo caamo, haween iyo carruur.

    Dalka Somaliya kama jiro ciidan booliis iyo nabad Sugid ,qarameysan, waad woda ogtihiin , in dalka nabad sugiddiisa iyo Booliiskiisa ay woda yihiin kuwa ay isku heeb yihiin Habargidir, ee goorta beelaha deegaanka loo dhiso ciidan Booliis iyo Nabad Sugid laguna biiriyo kuwa dowladda , laguna tababaro gobolka dhexdiisa, waa ay dhici kartaa qodobkaan inuu meel maro.

    Midse waa ku meel marikaraa, oo ah in dib loo soo celiyo ciidamadii direed ee shaqada laga woda fadhiisiiyey, amase dib loogu Waco inay ka hawl galaan gobolkaani, ayaga oo weliba noqondoono kuwa hufan, go’aankoodana ku xirnaandoono odeyda iyo dadka iyo maslaxadda(Ciidanka) gobolka.

    Haddiise taasi la waayo waxay inagula muuqataa in sheekadu tahay ” shaadh cusub in la doonaayo in gobolka loo soo gashado”, oo ah shadh Ciidan Nabad Sugid iyo Booliis , hoosta ka sito shaadh Hawiye, oo Xasan sheikh Maxmuud ku doonaayo inuu beesha ay isku heebta yihiin ugu gargaaraayo.

    Oogu dambeentii, waxaan tilmaan gaaban ka bixineynaa heshiiska la doonaayo in laga fuliyo dalka ee maanta ay dowladda dooneyso in dhex dhigto Umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

    Waa inay qodobo muhim ah ay meel mariso si ay u gaarto umad is jecel oo walaalo ah, taasi waxay ku imaankartaa qodobada soo socdo.

    1- Qof walbo oo Soomaali ah in loo aqoonsado inuu dalkaani xaq ku leeyahay.

    2- Qof kastaa waa in loo aqoonsado inuu Beel kasoo jeedo , uusan dhul kasoo bixin.

    3- Beel kastaa inay leedahay deegaan uu ilaahay ku beerey, asal ahaan, intii dalkaani uusan dowladnimo iyo xurriyad qaadan , 1960kii.

    4- Qof kastaa ee Somali ah xaq waxuu u leeyahay dalka meeshuu doono inuu ka degi karo, hase yeeshee uu ogaado asal ahaan meesha uu ka soo jeedo, wax qabadkiisana ay noqoto mid u gaar ah meesha uu degganyahay, ee aysan noqon halkaan aan dheefta ka dhuugo keli, dhismana aan dadkeyga iyo deegaankooda aan dhiso.

    5- Qof kasta inuu xaq u leeyahay inuu maamulo deegaanka uu u dhashey, ee aysan ahayn,meesha uu ku dhashey, oo xaqa muwaadin ahaan u degganyahay.

    6- In qof kastaa ee af lagaaddoo beeleed, amase fidno abuurid , amase hadal qadaf ku hadlaa waa in si toos ah sharciga loo marsiiyo, aanan loo eegin beel iyo deegaan , si qof kastaa uu u ogaado xaqa uu leeyahay, iyo kan lagu leeyahay.

    7- In Sharci la marsiiyo intii dalkaani dhibaato ka geysatey mar hore, oo aan loo eegin inuu maanta yahay qof meel ka masuul ah, laguna fuliyo sharciga waxii uu ka qabo.

    8- Hantida maguuraanka ah, ee la kala haaysto waa in dowladda si degdeg ah u celisaa, iyada oo aan marna muran iyo qof jecleysi aysan dowladda u eegin.

    9- Cadaaladda goorta la meel mariyo ayay nabad soo hoyaneysaa, haddiise la waayo dalkaani meesha uu u dhamaanaayo waa mid qof walbo oo wax garad ah u muuqdo..

    10- Dowladda waa inay ciidan Soomaaliyeed dhistaa , qeybaha kala duwan, kuwa hadda joogana u aqoonsataa inay yihiin kuwo beel keli kasoo jeedo, ayna yihiin kuwa uu dalka ka degi la’yahay, kuna xiran dagaal oogayaal, iyo mooryaan beeAdd Medialeedkii soo abuurmey ka dib burburkii dowladdii dhaxe.

    Intaani waa inta oogu yer ee ay ku dhismikarto dowlad qaran, iyo ciidan qaran, iyo nabad gelyo qaran.

    Heeshiisiinta waa inay noqotaa mid sal adag oo ma dhaqaaqaan cadaaladeed leh, si loo helo Soomaali nabad gaadhaa..

    Jamaal Maxamed Mursa

Leave a comment

Your email address will not be published.