11.april.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow

Xaalada guud ee Kabxanleey iyo Deefoow ayaa degen, ciidanka amaanka degaanadan ayaa iyaga mar walba wada howlahooda lagu sugaya amaanka degaanadan dhibaatooyin fara badan lagu hayey muddo ka badan 6 sanandood, 2’dii sanadood ee ugu danbeeyeyna ay ugu darnaayeen ka dib markii la gubay degmooyinka Kabxanleey iyo Deefoow dadkii halkaa degenaanan laga bara kiciyey.

Howlaha amaanka oo ay isu xilsaareen ciidamada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa sidii loogu tala galay ku socda, halkaas oo ay maalmihii ugu danbeeyey ka saareen saldhigyo ciidan oo ay beesha dulmiga ka wada halkaa ka sameysteen bariga Deefoow iyo Kabxanleey ee jirta dhanka Gobolka Galgaduud. xaruntan ciidan oo ay beesha dulmiga wada ka sameysatay halkaa oo ay ula baxeen Xaaji Maxamuud Gacal ayaa aheyd halkii ay howlo nabadgalyada laga sugayo laga fuliyey, loogana saaray ciidanka duulaanka iyo dulmiga halkaa ka soo abaabulo.

Ciidamada amaanka ayaa ka fuliya halkaa howlaha lagu sugayo amaanka degaanada Deefoow, Kabxanleey, Madiina, iyo degaanada ku heeraarsan dhamaantood, waxaana arrimaha dhinac socda howlaha xiga oo leh mudnaanta labaad oo ah in loo sameeyo dadka degaanka dib u dejin.

Maamulka degmooyinka Deefoow iyo Kabxanleey ayaa markale waxaa ay ku wargelinayaan dhamaan hay’adaha samafalka in ay ka howl geli karaan dhamaan degaanada ay ka arrimiyaan, isla markaana la sugaya amaankooda. Waxaa lagu wargelin dhamaan dadka ka soo jeedaa degaanadan in ay dar dar geliyaan howlaha samafalka ee wax loogu qaban dadka iyo degaanada ka xoroobay dulmiga laga soo abaabulo Bariga Baladweyne.

Wararka inaga soo gaaraya dhanka Bariga Baladweyne ayaa sheegaya in beesha duulaanka ku ah Kabxanleey iyo Deefoow ay wadaan dacaayado raqiis ah oo aan ilaa iyo hadda u meelmarin, halka ay ilaa Muqdisho gudi ay u direen iyagoo ku andacoonaya in ay duulaan ku yihiin Dir iyo Daarood oo wata ciidanka liyuu booliska.

Beeshan dulmiga ku ah degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa lumisay kalsoonida dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan, iyo weliba in ay haddana muuqata in ay keli ku noqotay dulmiqa qaawan oo ay u baraareen dhamaan siyaasiyiintooda, nabadoonadooda, iyo shacabkooda intaba.

Dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hiiraan ayey ka go’antahay in aysan dhaceyn marnaba in mustaqbalka gobolka hal beel ay ka arrimiso, ka dib markii la arkay natiijada ka soo baxday markii ay beesha Bariga Baladweyne gacanta ku dhigeen hantidii, hubkii qaranka, iyo dhamaan hay’adaha dowliga iyo samafalka gobolka, halka ay beeshan u adeegsatay in awooda gobolka lagu burburiyo, dhibaateeyo, laguna barakiciyo beelo degaan ah, laguna gubo dhul beereed iyo degaano intaba.

Beelaha Gobolka Hiiraan ayaa wada shirar aanan kala go’ laheyn oo ah sidii uu gobolka u heli labaa hogaan u adeega dhamaan shacabka gobolka, shirarkaan ayaa dhinac socda shirka Bariga Baladweyne oo ay wado beesha Bariga Baladweyne oo keli ku ah, cid aamineysana aysan jirin ka dib dhibaatooyinkii faraha badnaa ay u geysteen dad degaan ah oo reer Hiiraan ah.

Xaalada guud ee degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa hadda degen, dhaq dhaqaaqa ciidan oo aanan kala go laheyn, laguna sugayo amaanka ayey halkaa ka fuliyaan ciidama nabad sugida ee degaanadan.

Wixii ka soo kordha xaalada Kabxanleey iyo Deefoow halkan kala soco

cowslafil.com

11 Comments on "11.april.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow"

  1. ciidamada dagmada deefow iyo kabxanley. hambalyo ayaan leyahey. waligiin ilaah ilaah ayaah gacantinah kor kadhigay cowganah hoose.

  2. Beesha direed ee dhul raadiska ah waxay oray ugu guuleysteen in ay xoog ku degaan dhor tuulo oo kamida soomaaliya oo ay kamitahay xiraale iminka xawaadle miyeey dhul karaadinayaa waad ku go i doon taan

  3. Nimankii Iyaga oo cararaya Culimo Ahaan loo dejiyay Deefo iyo kabxan ley miyaa maanta kudoodaya waa dhul direed waa yaab war wuxu aqli xumaa

  4. hahahah wad is ku xartey adeer hiiraan xawadleh uma naqaano galjecel ayaah kala xisabtameynaah jajela markah ayaah ku yaqan damerow. ee uf ayan ku dhahey. hadii aad awod le dahey is keen adeer

  5. allaah ka cabsada

  6. Aan ku wada noolaano hiiraan waa na deeqda waana naga weyntahay reer deefow iyo kabxanley waa reer hiiraan cid hiiraan ka xigta ma jirto marka nabad ayaan ku baaqa

  7. Arintu Haday taagantahay dhulka dir malaha waa aduunyo gadoon! Somalida saxda ah ee layaqaan waa dir iyo inta ku abtirsata, dhulkana dir ayaa leh ee dirtu aadbay u nabad jeceshahay ninkan aan la aqoon meel uu ku abtirsado ee dulmiga cad wada waa hoogiisa oo waa meeshuu ku dhamaan lahaa,waayo beeshan dulmiga wada jabkooday wadaan, ilaahay subxaanawataacaallaa gardaro ma jecla gardarada iyo xaqdaraduna ma socdaan ee hala arko halkay idinla gaarto wbillaahi tawfiiq.

  8. aniga waxaan idiin dhihi lahaa kuwan dhahaya dir ayan nahay inad raadisaan nabada inad doqon tihiin wiilasha mesha ku dhimanaya iney yihiin kuwa dadka iskugu dhow lakiin hadaad colaada sii horusid oo qolada kale iyaga catifad soo qado maxad ka dheftay aniga xawadla ma,ihi dirna ma,ihi lakiin deris ayaan ahay wax walbana wan la socdaa dagaal xawaadle lalagalo luguma guulesto anaga wan lasoconaa hadaad been modeysid maanta maalin aheyn ayaan iswareysan doonaa.lkin nabada hala raadiyo

  9. Midkaan xun ee magac foosa xun wata Gaaljeceloow.Adigu dad is dilaayana Islaanimo uma kala celi kartid Aqoon iyo. indheer garadnimana malihid waayo moowduuca laga hadlayaa ma ogid ee (stai zito) nagana dhax bax Anaga iyo Dir Rufiyaanyow hadaad Xawaadlle iska celin kartid mar hore ayaad Hiiraan qabsan laheed . XAWAADLLNA isagaa markasta lagu soo duulaa waa la. Wada ogyahay wuuna Isdifaacaa xaq ayuuna u leeyahay marka ayaantaan waxaad u gurbaan tumooysaa dir oo ku leedahay x/lle iska celi Laakiin dir ama waa naga adkaaneysaa oo hiiraan xoog ayey ku joogeysaa ama XAWAADLLE hee waa .nimankii Diracyada ahaaye Xeraale iyo Bacaadweyne ayuu dib ugu celin doonaa ee adiga diin iyo mehered ma lihid ee geela yuu kaa kala dhumin. Mideeda kale maxaa meelaha uga nac nac leeynee hadaa dagaal xawaadlle u baahan tahayne banaanka iskeen.

  10. sure nabad wax kajecel mahan. lakin dan dansi mayeelo. hadii ey nabad rabaan besha ad afkah ku dhufatey oo ah xawdaleh. dir nabdah way rabaan. waayo qof muslin ah oo dhidayah nabad majirtoh. nabadanah xag aleh ayey ka imaneysaah waayo ma u malenayi in ey hawiyeh in tuu is xilqaamo uu nabad kalah dhex dhigaayo labdaah belood aqligaas ilaah masin hadanah laga sugimaayo. lakin mid ayey ku imaneysaah waah odayaasha xawadleh waah in eyqataan nabadah sure ey qataan nabadah. waayo meshan qof ku dhintah mahaneh qofku dhalan maayo.

  11. Wax lawayay wilow ninkii walanbaa udad e

Leave a comment

Your email address will not be published.