Ciidamo Lagu Arkayo Wadada Warshadaha

Gabi ahaanba waxaa saaka xiran qeybo kamid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo aad u tiro badan ayaa wadada qeyb ka jooga kuwaa oo dadka iyo gaadiidka wadada ka celinaya.

Sidoo kale waxaa ciidamada ay howlgalo ka wadaan xaafada Albaraka ee Degmada Hodan halkaa oo la sheegayo in ciidamadu ay ku raad joogaan rag halkaasi ku dhaawacay Wariye u shaqeynayay dowlada.

Dadka ayaa saaka Cagtooda maalaya oo gaadiidka wadooyinka kamid ah degmooyinka deyniile iyo hodan waa kuwo hakad ku jira.

cowslafil.com

1 Comment on "Ciidamo Lagu Arkayo Wadada Warshadaha"

  1. waan ka xumahay in shacabka reer muqdisho ay dhib joogto ah martigaliyaan balse waa arin la yaab leh in maalin walba wax ma garte shaqaale u ah mustacmaradda masuul looga dhigo.. sorry muqdisho kuwii aabahood talyaaniga ushaqeyn jiray baa talo laguugu dhiibay….

Leave a comment

Your email address will not be published.