Beelweeynta Surre ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo diiday isla markaana ku tilmaamay mid Koox kaliya wadato Shirka Baladweeyne.

Waxgaradka,Siyaasiyiinta,Culumo awddiinka,Dhalinyarada iyo dhamaan qaybaha Bulshada ee Beelweeynta Surre Gaar ahaan kuwo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo shalay Kulan wadatashi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa diiday kana soo horjeestay Shir ay wataan Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta oo ka socda Magaalada Baladweeyne.

Shirkan oo ay Dadka Kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee u dhashay Beesha Surre uga tashanayeen ayaahooda isla markaana ay ku goobayeen Go,aan ay u dhanyihiin oo ay ka gaaraan shirka Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degtaa ay soo Macmashay ayaa isla Gartay in haba yaraatee aanuu waxba ka quseeyn wixii kasoo baxaa isla markaana aanu ahayn go,aan ay wada gaareen Reer Hiiraan.

Ma aha markii ugu horeeysay oo ay diidaan Beelaha daga Gobolka Hiiraan wuxuuna shirkan u muuqdaa hada Baladweeyne ka socdaa Damac aan suura gal ahayn iyo Shimbirayahoow Heesa maadama ay wadato oo kaliya hal beel oo Qorsheeyneeysa in ay indhaha Ciid ugu Shubto Beelaha kale.

cowslafil.com

2 Comments on "Beelweeynta Surre ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo diiday isla markaana ku tilmaamay mid Koox kaliya wadato Shirka Baladweeyne."

  1. waxaan doonayaa in aan fariin udiro Beesha sure oo aan aniguba ka mid ahay
    waxaan idin ku salaamayaa salaanta islaamka Asalaamu Caleykum salaan kadib waxaan doonayaa in aan soo jeediyo talooyin
    1 marka hore laguma jiri karo dagaal joogta ah marka Hadii aan deeganadii dib ugu laabanay waa in aan qeyb ahaan raadinaa xal waara
    2 in aan Hadalada Kicinta iyo colaada hoos u dhignaa
    3 in la adkeeyo difaaca ciidam cusubna lakeenaa
    4 in la dhiso is bahaysiyo cusub
    5 in lasoo celiyo qoysasikii horay uga qaxay meesha
    6 in ugu dambayn beeshan Xawaadlaha lala Heshiiyo

  2. Ciidamo cusub la keenaa kkkkk wallaahi waa riyooneysaa yaa ciidamo cusub u keensanee Xawaadllaa dhul aadan laheyn ayaad dooneysaa in aad xoog ku qaadatid kuli so wada gala hiiraan ileen meel kale oo aad aadaan ma taqaaniine.qabrigiinaa meesha ka qodan

Leave a comment

Your email address will not be published.