Xaaji Cabaas:Markii aan Deegaanadeenii aan dib u Qabsanay ayaa layiri Liyuu Boolis ayaa Nasoo weeraray.

Xaaji Cabaas oo ka hadlay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka Beesha Surre ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in mar walba Hadalo Qadaf ah ay ku hadasho Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degtaa,

Shacabkeenii ayeey soo weerareen wayna barakiciyeen waxeeyna Gubeen deegaanadeena waxeeyna yiraahdeen Maamlka Gobolka Hiiraan waxaan Burburinay saldhigii ugu weeynaa Allshabaab,

Xaajiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri markaan qabsanay deegaanadeenii oo aan ka nadiifinay Beesha bariga Baladweeyne wax ka dagtaana waxeey yiraahdeen Liyuu Boolis ayaa nasoo weeraray waana arin layaab leh ayuu yiri Xaaji Cabaas,

Beesha Bariga Baladweeyne wax kadegta ayaa caadeeysatay marwalba oo uu jab gaaro in ay xag xagato Qolo kale Mana aha markii ug horeeysay oo ay sameeyaan been abuur.

cowslafil.com