Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow (Waa maxay sirta qarsoon ee shirka Bariga Baladweyne).

Waxaa ina soo gaaraya warbixin dheer oo ka hadleysa sirta qarsoon ee shirka Bariga Baladweyne, halkaasi oo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Beesha Bariga Baladweyne ay aad ugu hadlaan labo arrimood

1. Qorshahii dhulboobka oo ay beesha Bariga Baladweyne ugu tala gashay inay hantaan degaanada Kabxanley iyo Deefow

2. Qorshaha xiga oo ay hadda loo fadhiyo Bariga Baladweyne, lana rabo sidii loo heli lahaa Maamul Goboleed caalamka aqoonsi, hub, iyo hanti looga helo si loo dar dar geliyo dhulboobka, beelo hor leh ee degaan ahna looga qixiyo degaanadoodii.

I. Haddii aanu ku horumarno qorshahii dhulboobka Kabxanleey iyo Deefoow oo fashilmay ayaa aysan weli beesha Bariga Baladweyne ka samrin oo ay wadaa sidii markale, iyaga iyo saaxiibkood Hassan Qoslaaye ay si dadban ugu isticmaali lahaayeen hantida iyo hubka qaranka, si ay u hirgiliyaan markale bililiqada iyo dhulboobka ay ku hayaan degaanada Kabxanleey iyo Deefoow.

II. Qorshaha labaad oo hadda ka socda Bariga Baladweyne halkaas oo ay isugu yimaadeen maskaxdii(siyaasiyiinta, qurba joogta, hay’adaha samafalka, hogaamiye dhaqameedka/shareedka) ka danbeeya dhulboobka ayaa lagu gorfeynayaa sidii ay Beesha Bariga Baladweyne u dhisan laheyd maamul goboleed ogolaansho iyo garab (dhaqaale iyo hub) ka hela bulshada caalamka, si ay u dar dar geliyaan qorshahoode bililiqada iyo dhulboobka, dibna ugu hanataan degaanada kabxanleey iyo Deefoow, iyo weliba iyagoo qorsheynaya inay beelo kale oo soomaaliyeed laga qaxiyo gobolka.

Beesha Bariga Baladweyne ayaa aaminsan in gobolka Hiiraan ay leeyihiin Xawaadle oo kaliya, halka 13’ka kale qabiil ee soomaaliyeed oo halkaas degen aysan gobolka shaqo ku laheyn, lagana qaxin doono halkaa, sidii horeyba leysugu dayey in gobolka looga sifeeyo beelaha Surre ee degen Kabxanleey iyo Deefoow.

Haddaba waxaan uga digeynaa dhamaan beelaha ku dhaqan Gobolka Hiiraan sharta soo socota oo ay la maagan yihiin beesha Bariga Baladweyne dhamaan beelaha kale ee soomaaliyeed ee ku dhaqan Hiiraan. Beesha Bariga Baladweyne oo aanan la gamban fikirkooda ah in gobolka ay leeyihiin Xawaadle oo kaliya, ficilna ku muujiyey isku deygoodii isir sifeynta ay ugu sameeyaan beelaha Surre, ka dib markii ay garab ka heleen maamulka ugu sareeya hogaanka dowlada Soomaaliyeed (Hassan Culusow), iyo dowlada Jabuuti (oo tababar ciidan iyo militery) u fidisay Beesh Bariga Baladweyne, taasi oo ay beeshan ugu faa’iideysteen qorshahooda dhulboobka.

Haddii ay u meel marto beeshan inay helaan maamul goboleed iyaga keliya ay ka arrimiyaan, hanti, hub, iyo dhaqaalena ugu helaan caalamka, waxaa hubaal ah in ay ka dhici Hiiraan masiibo kale/cusub oo saameyn ku yeelan doonto dhamaan beelaha soomaaliyeed (13’ka beelood) aanan ku fikirka aheyn beesha Bariga Baladweyne iyo qorshahooda guracan ee dhulboobka.

cowslafil.com

7 Comments on "Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow (Waa maxay sirta qarsoon ee shirka Bariga Baladweyne)."

  1. Waxaashaa kaa madax ah Aqoon la’aan waa iftiin la’aan noolaada geesiyada samatalis ViVa Hiiraaan(sikastoo la yeelaba kuwii laga shareyn waayey. Cadowgiina cagta hoosteeda maashaallaah waan idinku faraxsanahay meelkasta oo aan aduunka ka joogno waxaan idiin haynaa hiil iyo hoob.

  2. Your Comment Here..laangaab laangaab dhalay aaway deefoow maxaa ugu cararteen maskiin

  3. Baaster markey ciidamadii xawaadlle soo aadeen b/burte si ay jidka u furaan ayaad u rufiyaantey oo aad u sheegtay in ay soo gali karaan baaster xun oo qooro qaawan soo fiirsho waxa dhici doono nacalaa la ur badan tahay

  4. Daciif fooqal daciif tabartada ku tasho qowmiyad dhan ilahay abuurtay iskadayeeh qabiil kamid ah oo layiraahdo sure ayaa jilbaha kuu labay oo doxii la ogaa kawaregtay hadana wax walboo ad latimado diyaar baynu u nahay maqaar saar xawaadle lagu kabay boon hawiye waa arkaynaa xogii hore ad la iman weyday Midka gadaal kaga soo dhalan dono faalkii xuma ee ee benta idiin shegay gadal u raca lakiin cawaan adiga kula fekerka ah waxan idin xasusinayaa alla amin ma iisho waxan hadalkayga ku gunanadaa guuuuul qowmiyada direed melkastoo dunida kaga noshihiin qasatan kuwa xaq udirirka ah mujaahidiinta difaca dadkoda iyo hantidoda iyo wax walbo ay u adkaysan wayaan oo xadgud ah gulaysta ilaa ad daba dhilifyada donaya xaq aysan laheen radinaya ad meel kasaartan guuuuuuul

  5. xawdaleh sifica ayaah lo karbshay. waayo way ku hobteen dagaldii. sure ayan is galney mana hooban waah laba aan is laheen. anaga awoodeenah ilaah nasiyey ayaan amin sanahey. xawdaleh nah dagal hadey loqoto wan ka adagnahey. waayo beleldweeneh hadey kaso baxan qortooda ayah maqan nacalaah dhaleeh

  6. Masaakiin hiiraan weligeed ilaa iyo hada xawaadle cid aan aheyn oo madax ka noqday mala maqlay wa calaacasha oo tin kasoo baxdo in hiiraan uusan madax ka noqoneynin cid aan xawaadle aheyn fat ama ha fadin waa lagu fadsiin xawaadla Ku talin sayidkaada waa xawaadle kilaabta direed

  7. xwaadleh wuu lumiyey dowladii dhex hadah waxaah lo dooranyaah galjecel waayo dorashoyin ayaah socdah oo ah dadkah dagan ka ayaah afti laga qadayaah. reee ow xasa . iyo sure galjecel makaneh baadicadeh. waah in meshah lagasaraah. midgamintah xawdaleh. oo laqonin isir kodah.xawdaleh5 sheegato

Leave a comment

Your email address will not be published.