Muqdisho: ragii dilay Xildhibaano ay ka mid tahay Saado Cali oo la xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay Eedeeymo loo haystay Rag ka tirsan Al-shabaab oo la horgeeyay Maxkamadda.

Eedeeysaneyaasha Maxkamadda la hor geeyay ayaa kala ahaa Shuceyb Ibraahin Mahdi iyo Faarax cali Cabdi,kuwaas oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab kana qeyb qaatay Dilal loo geystay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa sheegay in Ragaan ay dileen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka ah Xildhibaan Saado Cali Warsame,Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, Xildhibaan Sheikh Aadan Madeer. Axmed Odawaa Baale oo Hay’adda Nabad Sugidda ka tirsanaa iyo Maxamed Axmed Maxamed oo Asna ka tirsanaa Nabad Sugidda Soomaaliya.

Guddoomiye Shuuti ayaa sheegay in Ragaan sidoo kale ay ka qeyb qaateen Weerarkii Xarunta UNDP ee Dadka badan lagu dilay,waxaana sheegay in Maxkamaddu ay Dil Toogasho ah ku xukuntay kadib markii ay Qirteen Dinbiyada lagu soo Eedeeyay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Muqdisho: ragii dilay Xildhibaano ay ka mid tahay Saado Cali oo la xukumay"

Leave a comment

Your email address will not be published.