Masuuliyiin Kenya oo ka hadlay in ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya

Mucaaradka Kenya ayaa sheegay in mar hadii ay Al Shabab ay waxa ay doonaan ka sameysanayaan Kenya ay tahay in Ciidamadooda ay kala soo baxaan Soomaaliya.

Hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee dalka Kenya CORD Raila Odinga oo ka qeyb fgalay xus loo sameynayay dadkii ay Al-Shabab ku dileen weerarkii Khamiistii ina dhaaftay ku qaadeen jaamacad ku taala magaalada Gaarisa ayaa dawlada Kenya weydiistay inay deg deg ciidamada Kenya uga saarto dalka Soomaaliya taasoo uu ku macneeyay inuu ku jiro amaanka dadka Kenyanka ah.

Raila Odinga oo dad badan kula hadlay magaalada Mombasa ayaa waxaa uu sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ay tahay sababta joogtaysay in Al-Shabab ay Kenya weeraraan haddii laga saarana waxaa uu sheegay inuu aaminsanyahay inay joogsanayaan dhiiga dadka Kenyanka ah.

In ciidamada Kenya ay Soomaaliya joogaan ayuu sheegay hogaamiyahaan xisbiga mucaaradka ah mid aan sharci aheyn eedeedeena waxaa uu dusha ka saaray ururka midawga Africa.

Mar uu ka hadlayay sida loo sugi karo amaanka xaduudka ay Soomaaliya la wadaagaan ayaa waaa uu sheegay in amaanka lagu sugi karo oo kaliya marka ciidamada Kenya ay Soomaaliya ka baxaan oo kaliya.

“Hadda ka hor Maraykanka ayaa ciidamo tiro badan geeyay Soomaaliya waana uu kala baxay marka dawladeenu waa in go’aankaas oo kale ay qaadataa” ayuu yiri Raila Odinga oo mar dalka Kenya R/wasaare kasoo noqday.

Gudoomiyahaan isbahaysiga CORD dhowr jeer ayuu ku cel celiyay in ciidamada Kenya Soomaaliya laga saaro inkastoo aan laga hoos qaadin.

Al-Shabab oo mar walba dusha saarta weerarada gudaha Kenya ka dhaca waxa ay ku goodiyeen inay sii wadayaan dagaalka ay Kenya kula jiraan inta ciidamada Kenya ciida Soomaaliya joogaan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Masuuliyiin Kenya oo ka hadlay in ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya"

Leave a comment

Your email address will not be published.