Ahlu suna oo ku baaqday in dhismaha maamulka G/dhexe laga hormariyo Fulinta heshiisyadii ay la gashay Dowlada

Ururka Ahlu suna ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa sheegay in loo baahan yahay in maamul u sameynta gobolada dhexe laga hormariyo fulinta heshiisyadii dhexmaray Ahlu suna iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Gura-ceel ee gobolka Galgaduud.

Macalin Maxamuud Sheikh Xasan iyo C/siis Xaaji oo ka mid ah ururka Ahlu suna oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in marka loo baahan yahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya dhisida maamulka gobolada dhexe ka hormariso fulinta heshiisyada horay ula gaareen ururka Ahlu suna.

Waxay sheegeen mas’uuliyiintaan inay nasiib xumo ay tahay in maamulka Ahlu suna la yiraahdo kama talin kartaan Galgaduud iyo dadaalada lagu doonayo in maamul mideysan loogu sameeyo gobolada Galgaduud iyo Mudug,Laakiin waxay tilmaameen inay xaq u lahaayeen inay ka taliyaan gobolkaasi.

Magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay shir dib loogu heshiisiinayay beelaha wada dega gobolkaasi.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ahlu suna oo ku baaqday in dhismaha maamulka G/dhexe laga hormariyo Fulinta heshiisyadii ay la gashay Dowlada"

Leave a comment

Your email address will not be published.