Hawiye Oo Jahwareer Iyo Hurdo La’aan Ka Qaaday Aqoonsiga Beesha Caalamka Iyo Dowlada Aqoonsadeen K/Galbeed Somaaliya.

Hawiye Oo Jahwareer Iyo Hurdo La’aan Ka Qaaday Aqoonsiga Beesha Caalamka Iyo Dowlada Aqoonsadeen K/Galbeed Somaaliya.

Maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa aqooonsi ka helay beesha caalamka iyo dowlada soomaliya iyadoo maamulkaasi loo aqoonsaday inuu maamuli doono gobolada sh.hoose, baay iyo bakool. dadka deggan 3dan gobol ayaa si diiran usoo dhoweeyay iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo gobolka sh.hoose ay maamuli doonaan dadka deegaanka ee kasoo jeeeda gobolkaasi.

kadib markii dowlada soomaliya iyo beesha caalamka ay u aqoonsadeen si wadajir ah ayaa durbadiiba waxaa durbaan colaadeen garaacay nabadiid yada beelaha hawiye, iyagoo ku dhawaaqay in xildhibanaada iyo wasiirada beeshaas u dhashay ay ugu baaqaan inay dowlada isaga baxaan oo aysan xaadirin kulada baarlamaanka iyo golaha wasiirada.

hadalka odayaasha nabadiidka ah waxaa u hogaansamay wasiirkaarimaha gudaha oo bbc-da ka sheegay inuusan ogoleen in sh.hoose ay ka baxdo gacanta mooryaanta, waxay fajac ku noqotay dhamaan umada soomaaliyeed in shakhsi heer wasiir qaran uu hadalkaas kasoo yeero.

Waxaa isasoo taraya jahwareerka ay ka qaadeen aqoonsiga maamulka koonfur galbeed, xildhibaan cosoble oo madax ka ah gudiga arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ayaa ku dhawaaqay inay dagaal ka xigaan in sh.hoose gacanta mooryaanta ay ka baxdo, waxaa meesha ka muuqda inay hurda la’aan baahsan soo wajahday maan kudhiiglayaasha haga gacan ku dhiiglayaasha boobka iyo dhaca kawaday gobolka sh.hoose burburkii kadib.

Maamulka koonfur galbeed ayaan dhag jalaq u siinin hadalada qalafsan ee kasoo yeera mar kasto kooxda maan ku dhiglayaasha, iyadoo maamulka uu qorsheynaayo inuu xoojiyo ciidamada deegaanka ee ku sugan gobolka sh.hoose. fiqi oo ah M/kuxigeenka maamulka ayaa si cad u qeexay inaan loo dulqaadan doonin habdhaqanka kooxda dhul boobka isagoo sheegay in maleeshiyada ku sugan gobolka aan wax wada hadal ah lala geli doonin, xoogna looga soo saari doono gobolka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Hawiye Oo Jahwareer Iyo Hurdo La’aan Ka Qaaday Aqoonsiga Beesha Caalamka Iyo Dowlada Aqoonsadeen K/Galbeed Somaaliya."

Leave a comment

Your email address will not be published.