Document Caddeyn Ah: Lahaanshiyaha TV-ga Universal Oo Loo Xukumay

Avv. Xaawo Xaaji Sabriye oo aan ka Wareysaney sida uu Xukunku u Dhacay.

Iyadoo  Dacwad ku saabsan Lahaanshaha Talefishika Universal  ay mudo  soo Jiitameysey ayaa waxaa Dhawaan Dacwadaas galey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, waxayna Maxkamada Racfaanku Cadeysey oo Xukuntey in Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) oo ku sugan dalka Norway  uu leeyahay Talefishinka Universal, Waxaana Qareen u ahaa ninka loo Xukmiyey Telefishinka  Avv Xaawo Xaaji Sabriye, si kastaba Qoraalkii ka soo baxay Maxkamada Racfaanka oo uu ku yeeshey Telefishinka Universal Cabduqaadir  Maxamed Aada Baariyow waxaaa uu u Qornaa Sidatan:

Ka dib markii ay aragtey Maxkamadu Qoraalkii Baafinta ee laga sii daayey Warbaahinta, Markii ay aragtey Doodii iyo Cabashadii Racfaanlaha oo ah in Dacwada la socodsiiyo sida uu qabo Sharciga Habka Maqnaanshaha maadaama laga Quustey Isgaarsiintiisa, Markii ay aragtey Warqadda Caddeynta Lam 5257488 Certificate of Incorporation  oo ka soo baxdey dalka Ingiriiska  Magaaladda Cardiff  iyo Dhamaan Qoraaladda la Xiriirka ee Galka ku jira, markii ay aragtey Xukunkii Maxkamada Gobolka Banaadir Lambarkeedu  yahay  076/2013 BG 096/013BX ee Tr. 12/8/2013, Markii aragtey Qod.681 XMS, markii ay aragtey Qod .204.205 XHM, markii aragtey Qod. 239. 241, 245. XHM, in ay Caddahay in Cabduqaadir Maxamed Aadan ( Baariyow) uu leeyahay Milkiyada Telefishinka Universal.

Si aan wax badan uga ogaano Dacwadaas heerarkii ay  soo marey ayaa waxaan Wareysi la yeeshey Qareenkii u doodayey Cabduqaadir Maxamed Aadan ( Baariyow)  Avv Xaawo Xaaji Sabriye waxayna tiri iyadoo ka hadleysa Dacwadaas “Waxaan Dacwad ku saabsan  lahaanshaha Telefishinka Universal loo Gudbiyey Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ,waxaan uu soo soo  saarey Go’aan ah in Dacwad laga furo Wadamada Midowga Yurub maadaama waxaa is haysta ay ku sugan yihiin Dalalkaas” waxay sii raacisey

“Go’aankaas waa noo Cuntami waayey waxaan Dacwad  kale u Gudbiney Maxkamada Racfaanka maadaama Qodobada 8-aad iyo  9-aad ee Xeerka Madaniga ay sheegeyaan in Dacwada la geli karo, waayo waxaa la isku haystaa  waa Milkiyad ee Ma aha Maamul, waxaan u Gudbiney wixii Dukumenti ahaa ee caddeyneyey Lahaaanshaha Telefishinka Universal oo ugu horeysay Lesinkii Shirkadda  ee British Telecom, Board-kii ama Gudigii Maamulayey oo uu Gudoomiyaha u ahaa Cabduqaadir Baariyow “ waxay intaa ku dartey

“Waxaan sidoo kale aan Gudbiney Waraaqihii  Caafimaadka ee Cabduqaadir Baariyow  ee Mudadii Lixda Sano ahayd ee uu ku jirey Isbitaalka iyo Marqaatiyaal kale oo Caddeynaya Lahaanshaha Telefishinka Universal ee Cabduqaadir Baariyow, waxayna Maxkamada Racfaanku Bilowdey in ay u yeerto Axmedeey Abuubakar Mubaarak oo ah ninka Dacwada kala dhexeysey, u yeeritaankaas waxaa loo marsiiyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Gudaha iyo Dibada  si uu Muddo 30 Cisho ah uu ugu horyimaado Maxkamada Racfaanka “ waxay intaa sii raacisey

“Markii uu mudadaas uu ku imaan waayey  ayaa Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir  ka Codsaney in Dacwada la Dhaqaajiyo maadaama Qodobo ka mid ah Xeerka  Madaniga ay dhigayaan in  Dacwada la guda geli karo, ,waxayna markiiba Maxkamadu Dhageystey Dacwadii ka dib  markii ay heshey Dukumentiyo ku filan, waxaana Garsoorihi qaadayey Dacwadaas uu Xukmiyey in Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow uu leeyahay Talefishinka Universal “

Qareen Xaawo  Xaaji Sabriye waxay kaloo  sheegtay in Go’aankii ka soo baxay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir  ay u Gudbiyeen  Wasaarada Garsoorka iyo Wasaarada Arrimaha Dibada  si ay u caddeyaan in Xukunkaas uu yahay mid Sax uuna qaadey Garsoore la aqoonsan yahay, islamarkaasna in Sababta ay u soo marrsiiyeen Wasaaradahaasi  ay tahay in Xukunku u noqdo mid Caalami oo ku fadhiya  Qiime iyo Qanuun Sharciyeysan.

doc_tvu_01

doc_tvu_02

doc_tvu_03

cowslafil.com

Be the first to comment on "Document Caddeyn Ah: Lahaanshiyaha TV-ga Universal Oo Loo Xukumay"

Leave a comment

Your email address will not be published.