Soomaaliya oo Wadadii Burburka Cagta Saartay!

Soomaaliya oo Wadadii Burburka Cagta Saartay!

Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay qaateen Xuriyada aaneey marna soomarin Maamul Dawladeed cadaalad ku dhisan waxaa had iyo goor dhici jiray loolanka awooda Beelaha, Marka aad dhab u eegto Shacabka Soomaaliyeed waa dad Neceb in lagula dhaqmo Cadaalad daro isla markaana hamiya in ay Dulmaan hadiiba ay Jaanis u helaan Beelaha kale ee walaalahooda ah,

Waqigii ay Soomaaliya Xuriyada Qaadatay 1960 marka laga soo Bilaabo Waxaa tartan loo galay hanashada Kuraasta iyadoo aan marna loo eegeeyn Tirada Dadka waxaana inta badan awooda Qaranka leexsaday Geeleeyda oo ay Caado u ahayd in ay wax kala dhacaan,

Cadaalad darada Baahday wuxuu salkeedu noqday in wadankii Soomaaliya uu Burburo Shacabkiisiina ay noqdaan Dad Meel walba daadsan oo sharaftooda iyo karaamadoodu hoos u dhacdo waxaad waqtigan xaadirka dareemeeysaa Meeshii laga waantoobi lahaa Cudurkii na aafeeyay in si sidii ka daran loogu tafa xaydanaayo Cadaalad Xumada,

Marka aan wax yar kasoo xusno Waxyaabihii ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhacay in doorashadii Lixdameeyadii Marka La,is wada raaciyo Somaliland in ay ka Kuraas iyo Codad badatay hal magaalo oo aan Xataa dhameeyn Magaalada Shan iyo Tobnaad ee Somaliland arintaas oo sal u noqotay in Somaliland ay Calool Goosato,

Waqtigan Xaadirka ah Wadankeena waxaa lagu soo rogay arin aynaan la jaan qaadi karin oo ah Maamul Goboleed waxaa Muqata in Xaqooda la duudsiiyay Dad badan oo Soomaali ah isla markaana la,isu diyaarinaayo in Kuwo kalana Hilfaha loo qaado,

Bal ila eeg waxa ka dhacay Maamulka Koonfur Galbeed oo Xataa ay ku dulman yihiin Dadkii Xaqa u lahaa in ay Hogaan u noqdaa waa Digil iyo Mirifle Xaqooda ma,aaneey helin, Jareer Weeyne,Shanta Koofi, Sidoo kale waa la duudsiiyay Beesha Biimaalna Damacii lagu maagay wali waa socdaa,

Waxaad u leexataa Dhankaas iyo Juba land waxeey mareeysaa yaa wax dhici kara waxaa loo kala dheereeynayaa Xaqii Umadda kale, Waxaan la,isu axsaan sameeyn doonin sidoo kale Maamulka lagu Muransan yahay inta is raaci doonta ee ay Hiiraanka kamid noqon doonto Beelbaa aaminsan in ay kaligood Hiiraan Dagan yihiin Dadka kalana ay yihiin Sida Ummad aqal kireeysatay oo waqtigii la doono laga saari doono,

Gobolada Dhexe oo ah halka ugu adag oo ay isugu yimaadeen isuma qadada oo welwel badan ay ka qabeen Shacabka Soomaaliyeed Xaaladoodu sideey Noqon lahayd waxaa ugu Biiray Madaxweeynaha iyo Ururkiisa oo uuba damac ka galay in ay ayaga hantaan waa Libaaxyadii oo la yiri anigaa Liqaaya,

Marna lagama Yaabo in Sanadka 2016ka la helo fakar mideeynaaya Ummada Soomaaliyeed Dad badan oo siyaasada Soomaaliya indha indheeyana waxeey U arkaan sanadkii kala taga iyo wax ku goobka Qoriga Caaradiisa hadeeyanba bilaaban ka hor waxaanse leenahay ilaah na badbaadiya,

Waxaan Rabaa in aan Shacabka Soomaaliyeed u sheego ilaa inta ay ka ogolaanayaan Cadaalada in ay ku jiri doonaan dhibaatada iyo balanbalka, Allahii na abuurtay marna raali kama aha dulmiga Naxriistiisa ha sugina inta aad ka toowbad keeneeysaan danbigii aad hore u gasheen iskana deeyneeysaan kan aad hada Gacmaha kula Jirtaan,

Waxaa Qoray Maxamed C/Samad C/llaahi

1 Comment on "Soomaaliya oo Wadadii Burburka Cagta Saartay!"

  1. War waa waalateen hiiraan meeshey raaceyso maxaa ugu masquulsan tahay waxeey u taalaa Xassan Shiiq Maxamuud Waana Nin ku Dhashey Dagmada Jalalqsi ee Gobolka Hiraan.hadduu Doono Ha ku daro gobolka Gedo raali iyo nuss baan ku nahay ee adiga Digil iyo Mirifle maxay kugu diiday. aawey xeraale iyo bacaad weyn soowtan habargidir ma ahane Cid kale oo hadli kartaa la la yahay aawey toowfiiq soo majeerteen marti kuma tihid. aawey shabeellada hoose maamul u sameynteedii marti kama tihid.maamulka gobolka hiiraane marti baad ka tahay ee waxaadan shaqo ku lahayn ha ku faakaheysanin ee.

Leave a comment

Your email address will not be published.