Ciidamada Xawaadle ee dulmi wadayaasha dagaalka soo uruuriyeen oo kala dhuuntay

Ciidamada Xawaadle ee dulmi wadayaasha dagaalka soo uruuriyeen oo kala dhuuntay

Ciidan beeleedka beesha dulmiga caadeysatay ee Xawaadle oo lagu soo uruuriyey banaanka Bariga Baladweyne ayaa xalay intooda badan kala dhuuntay, oo aanan soo qaadan dagaal dulmi wadayaasha Xawaadle ay ku soo qaldaan wiilal garan la’ sababta ay ugu dhiman degaano dad nabadeed ay ku dhaqan yihiin, oo aysan dhaceyn marnaba in beel beel kale ay ka sifeyso degaanadoodii, ama isir sifeyn lagu sameeyo.

Dagaalka dulmiga ah ee lagu hayo Kabxanleey iyo Deefow ayaa ka danbeeya qurba joogta xawaadle iyo rag ku jira maamulka sarre ee dowlada soomaaliya oo daneynaya dhul beereedka iyo qeyraadka uu Alle (sw) ku mateystay degaanada Kabxanleey iyo Deefoow.

Ciidamada xaq u dirirka Beelweynta Surre ayaa ku jooga degaanadooda niyad sareysa, nidaam, kala danbeyn, iyo calaamadaha lagu yaqaan ciidan qaran oo leh qeybo kala duwan oo loogu tala galay inay fuliyaan, una fuliyaan si aanan leex leexad laheyn howlaha difaaca degaanada Kabxanleey iyo Deefoow.

Waxaa ku soo qulqulaya Deefow iyo Kabxanleey ciidamo dheeraad ah oo uu tababar u soo dhamaaday oo loogu tala galay inay gacan bir ah ku qabtaan cid allaale cidii ku soo xad gudubtaa degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Ciidanka xaq u dirirka ee degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa leh guutooyin kala duwan, kuwa difaaca iyo kuwa kale oo loo diyaariyey inay duulaan ama abaari karaan meel walba oo uu dhib uga imaan karo, halka ay hadda diirada saaran tahay Bariga Baladweyne oo ah halka laga soo abaabulo qorshaha dulmiga iyo isir sifeynta lagu hayo beelaha Surre ee ku dhaqan Kabxanleey iyo Deefow.

Beesha Surre waxaa ka go’an ama in la helo nabad waarta oo dan u ah gobolka oo idil, ama in colaado ay marti geliyaan cid walba oo dulmi wada.

Wixii ka soo kordha xaalada Kabxanleey iyo Deefow halkan kala Soco.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada Xawaadle ee dulmi wadayaasha dagaalka soo uruuriyeen oo kala dhuuntay"

Leave a comment

Your email address will not be published.