Guul iyo gobanimo usoo hoyatay Beelweynta Surre iyo hambalyo mujahidiinta

Guul iyo gobanimo usoo hoyatay Beelweynta Surre iyo hambalyo ku wajahan mujaahidiinta

surre_ciidan

deefow_ciidan

Waxaa ina soo gaaraya hambalyo iyo dareen sare oo ku wajahan dagaalkii taariiqi’ga ahaa oo ay Beesha Surre ku hanatay degaanadeeda 21.marso.2015.

Ka dib markii ay beesha xawaadle ee dhulboobka iyo isir sifeynta ka wada gobolka Hiiraan ay ka sameysteyn dhufeyso shub iyo shamiindo adag oo ay ugu talagaleen in ay degaanada si xaq daro ah uga difaacaan dadkii u dhashay ayaa waxaa ka dhacay Deefoow shalay salaadii subax ka dib dagaal aanan horeyna loo arag, loona maqal halka ay mujaahidiinta, geesiyada, sooma jeestayaasha ciidanka xaq u dirirka Surre ay ugu dhex duseen dhufeyskii adkaa oo ay Xawaadle halkaa ka sameysteen, ka dibna xabad, gacan, mindiyo/beenad jiho walba kaga timid ciidankii xawaadle oo markii danbe qasab ay ku noqotay inay ka baxaan dhufeyska xoogna looga saaro degaanada Deefow, Kabxanleey, Madiina, ilaa degaanka Bacaad ee u dhaxeeya Bariga Baladweyne iyo Kabxanleey.

Dagaalka shalay dhacay iyo dhufeyska adag ay beesha xawaadle halkaa ay ka qoteen oo ay ugu tala galeen in Surre uusan mar danbe cagta soo dhiqin hoygoodii iyo guryahoodii ayaa waxaa dhacday in saacado gudahooda looga saaro xawaadle halkaa, ka dib markii ay la kulmeen ciidan ku dagaalami niyad sareysa, oo aanan dib u jeesan xitaa haddii ay xabadu go’do.

Masuuliyiin tagay degaanka Deefow iyo Kabxanleey ayaa indhahooda ku soo arkay dhufeysayada iyo waxa ka dhacay halkaa, fajac iyo aamini kari waayey wixii ay indhahooda ku soo arkeen, kana soo dhaqaaqay halkaa iyagoo su’aalo badan oo ay ka mid yihiin sidee macquul ku noqotay in beesha burcada ee bililiqo doonka looga saaray dhufeysada ay halkaa ka qoteen.

Beesha Xawaadle oo ay gacanta u gashay wax alaale wixii maamul, hanti iyo hubka qaranka Gobolka Hiiraan ayaa waxay intaba u adeegsadeen burcadnimo, bililiqo, iyo dhulboob ay ku hayaan beelaha Surre ee ku dhaqan Deefow iyo Kabxanleey.

Warar inaga soo gaaraya furinta hore ee dagaalka ayaa sheegaya in dagaal naf lacaarinimo oo rogaal celis ah ay beesha Xawaadle xalay 21.maarso dib u soo qaadeen ka dib markii laga saaray halkaa subaxnimada sabtida isla 21.maarso.2015. Waxaa ay la kulmeen iska caabin xoogaan ugana carareen halkaa 6 meyd ah.

Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaalkii subaxnimada ka dhacay halkaa ay uga carareen beesha Xawaadlee halkaa 18 meyd ah iyo weliba labo sarkaal oo nolol lagu qabtay.

Waxaa kaloo ina soo gaaraya in hub iyo saanad militery oo fara badan looga fara maroojistay xawaadle degaanka Deefow ka dib markii ciidanka Surre ay cagta mariyeen wax allaale wixii difaac adkaa oo ay halkaa ka sameysteen xawaadle.

Beelweynta Surre oo dal iyo dibad joogba leh waxay hanbalyo diiran halkan uga dirayaan mujaahidiinta, sooma jeestayaasha, geesiyada Surre (wiilal iyo gabdhaba) ee ku mintiday inay hantaan degaanadooda, ugana saaraan halkaa burcada, bililiqo doonka beesha Xawaadle.

cowslafil.com

11 Comments on "Guul iyo gobanimo usoo hoyatay Beelweynta Surre iyo hambalyo mujahidiinta"

  1. Ham balyo. Guuuuuuuuuuuuuuuuuul. Guuuuleeeysta. Xaqa ku dhinta

  2. hablyo gesiyasha guulsta garbkiina allah

  3. Guul iyo gobanimo usoo hoyatay Beelweynta Surre
    iyo hambalyo mujahidiinta walgen wangulesanjina hadan guul wart

  4. asc dhamaan halkan waxaan ka salaamahayaa beel waynte surre salaan gadib guusha waa in la siiwadaa deefoow iyo kabxanlay waa in uu dagaalka dhafaa waa in cadaw ga halkiisa lawgu tagaa insha llah way jaba hayaan mar walbo li ana qif dulmi wado maguulaysto

    • Been iyo naf LA caarinimo ayaad isku sheegeysaan Xawaadle dagaal weligeedba waxba loogama qaadin meesha aad Ku dan beesaan bal aan aragno xawaadle iskama cilin kartaane waxaad u yeerataan isaaq iyo ogaadeen afartaas qalashay aad sure Ku sheegeysaan waxba idin kama dicaacayaane

  5. Maxamuud cabdisalaam | March 24, 2015 at 8:17 am | Reply

    Deegaanka deefoow iyo kabxanleey horayna waxaa ulahaa dadkii laga barakiciyey haddana ayagaa dib u dhacsaday oo leh .

    dardaaranka waa difaaco degaankaaga, hantidaada ( beertaada , xoolahaaga) hana ku gardarroon degaan dad kale leeyahay. Waxii aad xaq u leedahay ayuu ka kalena xaq u leeyhay. Dulmi waa lagu jabaa.

  6. waa guul u soo hoyatay beesha surre, waana leydunku yaqaanay geesinimada iyo hawlkarnimada, wacad alle qabkii qabuuraha laga soo ag helay waa jabay, hawya ismoodkii waa jabay.
    waxaanse dhihi lahaa dagaalka bariga beledweyne waa inuu ka bilowdaa mid qaadicu dariiqa lagu qaxinayo, ileyn caqli iyo garasho kale ma laha oo uu ku kala garto waxa uu leeyahay iyo waxa dadka kale leeyihiin.

    cawaanka iyo daalimkana in la shabiyo waa gar ileyn garasho ma leh in la xanuujiyo mooyee.

    waxaanse aad uga xumahay, in fulay futa madoobahu yiraahdo beel weynta surre oo dhan baa ila dagaashay, yuu is mooday marka uu geedaha xag xaganayo, war surre inaad jirtood dad tahay iyo abtirkaagaba toona ma oga.

    guulaysta, guulaysta wiilasha iyo hablaha mooryaanta ka xoreeyay dhulkanaga.
    viva surre……………………….

  7. waan idin salaamay, xawaadle surre laba jilib oo hoose ayaad wax ka qaadi ladahay ee ha u yeeran isaaq iyo ogaadeen, markasto oo la idinka adkaado waxaad sheegtaan isaaq ogaadeen (ubo) ehlu su wal jameeca puntland, maxaad umadaha kale ka rabtaan, waxaan maqli jiray islaantii tiri xaabada markay qaadi weyday culeyskeeda tiri xaabo kale hala iigu daro.

  8. Waxaan Maqli jirey Cimrigaaga Oo raagaa Xawaadle Gabyayana wuu ku tusaa, Naagta xun ee Xawaadle , EE halkan ku soo qoray Isaaq iyo ogaadeen u yeedha, Xagay ku aragtay Xawaadle dagaalamayA, waxaynu ogeyn Xawaadle Tuugo ah, oo dadka safarka ah dhaca oo wadada u gala, Waxaan kale oo aan la yaabay markaan arkay xawaadle yidhi waan gabyayaa…kkkkkk, War Annagaa Belaayo aragnay, Waxaasi ma gabaybaa Waa Dameer ciyaaya.

  9. hambalyo ayan leeyahay dhaman xaq udirka xureyay Hantidi shacabka surre mida kale waa in magaalada baledweyn aan nabad lagu dhex marin meel walbo waa in miino la galiyaa si waayeelka xawadle kulelka ugaaro taasne aniga iyo inta igu fikirka ah ayaa la howl gali doona Insha.allah

  10. War ya and ogaadeen iyo isaaq been idiin sheegin xawaadl le hiiraan isaga ayaa iskaleh ee ha ku baabin ee isaga tag meesha inta eysan kuu imaan 215 ayaad waxaad meel la istaagteen dir ayaan ayaan nahay iyo deefoow baan beer ku leeyahay hadii aad dir tahay xagee dagtaa soomaaliya kuma arag meel dir dagto ee ahoow marti edeb leh.

Leave a Reply to asli Cancel reply

Your email address will not be published.