Dhageyso: Maamulka Hiiraan Oo Qiranayo In Maleeshiyaadkooda Dagaal Looga Soo Saaray Deefow

Dhageyso: Maamulka Hiiraan Oo Qiranayo In Maleeshiyaadkooda Dagaal Looga Soo Saaray Deefow

Cali Dhuux Mahad Alle oo ah Taliyaha Saldhiga Booliiska Magaalada Beladweyne, ayaa sheegay in dagaalada seddex sano ka socda Deefow iyo Kabxanley aysan waxba ka qaban Karin dhankooda.

Wuxuu sheegay Taliyaha in dagaalkaasi uu soo noq-noqday muddo badan oo dhiig badan ku daatay, sidoo kalena hanti badan ay kubur-burtay, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay wax ka qabtaan dagaaladaasi.

Inkastoo Cali Dhuux uu sheegay in aysan dagaalka wax ka qaban karin ayaa haddana waxaa jirta in maamulka degmada Baladweyn iyo kuwa gobolka Hiiraan ay ku lug leeyihiin dagaalkaas, oo tiknikada iyo maleeshiyada maamulkaas ay dagaalka si toos ah ugu jiraan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso: Maamulka Hiiraan Oo Qiranayo In Maleeshiyaadkooda Dagaal Looga Soo Saaray Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.