Faahfaahinta Khilaaf Ka Dhex-Curtay Maamulka Hiiraan

Faahfaahinta Khilaaf Ka Dhex-Curtay Maamulka Hiiraan

Khilaaf iyo kala argti duwanaan xooggan ayaa ka dhex taagan maamulka gobolka Hiiraan.

Khilaafkan oo ku dhow in uu faraha ka baxo ayaa salka ku haya qaabka loo maamulayo maaliyada gobolka Hiiraan.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in khilaafka uu u dhexeeyo labada mas’uul ee ugu sareysa Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne, waxa uuna la xiriiraa sida loo maamulayo maaliyada gobolkaas.

Kulamo ay yeesheen gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada Baladweyne oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka ayaa ku soo dhamaaday fashil kadib markii dhinac walba uu ku adkeystay mowqifkiisa.

Wararku wuxuu intaasi ku darayaa in guddiyo ka tirsan kuwa maamulka oo arrintaasi galay aysan weli ku guuleysan isu soo dhaweynta xubnaha sar sare ee gobolka ee is khalaafsan,iyadoo ay warar kale sheegayaan in arrintan ay xitaa u gudubtay hoggaanka ciidamada AMISOM ee B/weyne ku sugan iyo dowladda soomaaliya,inkastoo aysan arrintaasi weli ka hadlin dowladda Soomaaliya.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Faahfaahinta Khilaaf Ka Dhex-Curtay Maamulka Hiiraan"

Leave a comment

Your email address will not be published.