Deg deg: Dagaal Qaraar oo ka socda tuulada Sagaaroole

Deg deg: Dagaal Qaraar oo ka socda tuulada Sagaaroole

Warar hadda naga soo gaaray Tuuladda Sagaaroole ee gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in xilligan uu ka socdo tuulada Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Deegaanka iyo Maleeshiyada dhul-boobka ka wada gobolka.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyada Hawiye ee maanta 8 qof looga dilay meel u dhow tuulada ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada deegaanka oo ku sugnaa Tuulada.

Maleeshiyadan ayaa waxa ay ku hubeysan yihiin gawaarada dagaalka ee tiknikada laakiin Ciidamada deegaanka ayaa ilaa hadda dagaal iska caabin ah oo xoog leh kala horyimid.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada deegaanka oo ku sugan Sagaaroole ayaa sheegay in dilka saakay loo geystay 8 maleeshiyo ee ka mid ah kuwa gobolka ku soo duulay uu yimid kadib markii ay dhac u geysteen Tuulada Buulo Ismaan sheekh oo ah qeyb ka mid ah tuulada, iyagoo watay gaari caasi ah, kadibna ciidamada deegaanka ay jidka u galeen kuna dileen halkaas 8-da mooriyaan ee gaariga saarneyd kuwaas oo kala ahaa darawalka iyo 7 kale, lagana furtay 5 qori.

Dagaalkan ay hadda soo qaadeen ayaa daba socda dagaalkii maanta ka dhacay Sagaaroole, dagaalka hadda socdana waxa uu u badan yahay tuulada Buulo ismaan Sheekh oo ka mid ah tuulooyinka yar yar ee Sagaaroole.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Deg deg: Dagaal Qaraar oo ka socda tuulada Sagaaroole"

Leave a comment

Your email address will not be published.