Taageero Shirweynaha 1aad ee beelweynta Direed.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Ujeedo: Taageero Shirweynaha 1aad ee beelweynta Direed.

Salaadiinta, boqorada, Ugaasyada, saraakiisha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka Midnimada direed (UMD) waxay si mug iyo miisaan leh utaageerayaan oo u soo dhaweynayaan shirweynaha 1aad ee beelweynta Direed ee gudiga siyaasada beelaha Direed ku dhawaaqday inuu ka qabsoomidoono caasimada dalka Itoobiya ee Addis Abbe 28 febraayo 2019.

Waxaanu u aragnaa inuu shirkaasi ahaa mid loo baahnaa, mudo dheerna la sugaayey. Ilaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu noqodo Shir horumar, badhaadhe, iskuduubni iyo midnimo uhorrseeda beelweynta Direed.
Sidoo kale shirkani wuxuu noqondoonaa mid sii xoojiya nabad ku wadanoolaansha iyo walaaltinimada beelweynta Direed iyo beelaha iyo qoomiyada kale ee aanu deris iyo deegaan wadaagta nahay.

Ilaahay (swt) baanu u mahadnaqaynaa, marka xigana waxaanu u mahadnaqaynaa gudiga siyaasada beelweynta Direed oo tacab iyo wakhtiga badan gelisey qabsoomida shirkaas.
Ugu danbayntii Ururka Midnimada Direed waxa uu usoo jeedinayaa dhamaan beelweynta Direed meelkasta oo ay joogaan inay si buuxda utaageeraan shirkaas iyo weliba in si balaadhan looga soo qaybgalo.

FG: Ururka Midnimada Direed waxaa ku bahoobay afarta haamood ee ay ka koobanyihiin beelaha Direed, Madaxweyne Dir, Maha Dir, Madaluug Dir iyo Madoobe Dir.
URURKA MIDNIMADA DIREED

Guul iyo gobonimo

ALLAA MAHAD ISKA LEH.
TAARIIKHDA: 01.JANAAYO.2019
…………………………………………………………………
GUDOOMIYAHA UMD
IBRAHIM ALI ADAN
…………………………………………………………………

cowslafil.com

Be the first to comment on "Taageero Shirweynaha 1aad ee beelweynta Direed."

Leave a comment

Your email address will not be published.