Bayaan ay soo saareen Haweenka Qowmiyada Direed ee Muqdisho !!!

Bayaan ay soo saareen Haweenka Qowmiyada Direed ee Muqdisho !!!

Ku: Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya
Ku: Raysal wasaaraha Jamh. Federaalka Soomaaliya
Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka
Ku: Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Ku: Wakiilka Midowga Afrika
Ku: Wakiilka Urur Goboleedka IGAD
Ku: Bahda Saxaafadda Xarumahooda
Ku: Dhammaan Wadamada Daneeya Arrimaha Soomaaliya

Ujeeddo: Bayaan

Shir maalmahaan uga socday magaalaada Muqdisho Haweenka Qowmiyada ka soo jeeda Beel weynta Direed ayaa waxay soo saareen bayaanka hoos ku xusan.

Markaan tixraacno bayaankii war saxaafadeedkii ay soo saareen bishii December labadeeda 2014,waxay haweenkani u arkaan inaysan bulshadda caalamku iyo sama-jeclayaasha soomaaliyeedba aysan wax tilaabo ah ka qaadin bayaankaas oo ka koobnaa cabasho iyo codsi aan ka soo gudbinay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Beesha Xawaadle kuwaasoo banneystay falalka foosha xun sida dhaca ,boobka ,guryaha la gubo, beeraha oo la gubo barakicin ,maatada oo lagu guro webiyada iyo dhammaam tacadiyada ka dhan ah xuquuqul insaanka kuwaasoo loo geysto guud ahaan shacabka ku nool Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beesha Surre (DIR).

Haddaba waxaa ceeb iyo nasiib daro ku ah sumcadda ururada Xaquuqul Insaanka, bulshada caalamka iyo waxgaradka soomaaliyeed intuba waxay ku mashquuleen siyaasadda madaxda sare ee qabiilka iyo sad bursiga la degi la’ waxaana la illaaway mushaakilka ka dhacaaya bulshadda soomaaliyeed dhexdooda taasoo sababtay dhul balaarsiga qabaa’ilka garabka ka helaaya iyo taageerida qabyaaladeysan madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Sidii ay dhul balaarsi iyo hanti boob u sameeyaan una badsadaan dhulka ay sheeganayaan, waayo inta ay xaqqa iyo deegaan ahaanta u leeyihiin baa yar. Sidaas owgeed bay si xooga ah ku baro kicinayaan dadkii u dhashay kuna dhaqnaa.deegaamadda dadka nabadda jecel .

Mar labaad waxaan ka codsaneyna qaybaha ay cabshadeenu iyo codsigaani ku socoto inay dareenkooda u soo jeediyaan dhibaatada isir sifeynta ah (Ethnic cleansing) ee lagu hayo beesha Surre (Dir) ee degta gobolka HIIRAAN taasoo ay u dhan yihiin kaabe Qabiil ,Maamul Gobol,ilaa iy hogganka sar sare ee Dowladda .

Waxaan halkaan ka caddeynenaa inaan lagu xisaabtamin in dowlad qaran ay ka jirto soomaaliya waxaase ka jira koox isku heysato hantida caalamku ee uu ku yaboohay shacabka Soomaaliyeed kuna burburinayaan geedi socodka nabad ku wada noolaanshihii bulshadda soomaaliyeed .

Ugu dambeyn waxaan ka codsanaynaa dhammaam ururada samafalka iyo hay’adaha caalamiga ah inay la soo gaaraan gurmad deg deg ah maatada haweenka, caruurta iyo waayeelka ku dar-xumaysan daafaha Gobolka Hiiraan sida Hoy,daryeel caafimaad, Quudin, sahay u fududeysa inay ku gaaraab xeryaha qaxootiga.

Ugu dambeyn waxaa mahad ballaaran u celineynaa ciddii gacan nagu siisa oo isku xilsaarta taakuleynta maatadaas siisana daryeel beni-aadanimo.
Wabillahi Toowfiiq.

Haweenka Qowmiyada Beelaha Direed ee ku dhaqan caasimada Muqdisho.cowslafil.com

Mahadsanidiin

cowslafil.com

Be the first to comment on "Bayaan ay soo saareen Haweenka Qowmiyada Direed ee Muqdisho !!!"

Leave a comment

Your email address will not be published.