Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Geeska Afrika Oo Ka hadlay Dagaalka Dhul Boobka ah Ee Laga Wado Degmooyinka Deefoow iyo Kabxanley

Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Geeska Afrika Oo Ka hadlay Dagaalka Dhul Boobka ah Ee Laga Wado Degmooyinka Deefoow iyo Kabxanley

Waxaan dhamaanteen ka wada war qabnaa dhul boobka ka billoowday Somaliya markii xukumada Xasan sheekh madaxda ka yahay talada dalka ay qabatay, Su’aalaha la is weydiinayo waxaa ugu weyn NGO yada dalka qabsaday miyaa ka dambeeya oo heshiisyo xaga dhul beereedka ah lasoo galay EU-da.

Eu-da ayaa waligeedba u hanqaltaagi jirtay inay dhul beereedyada Somaliya mar un ay gacanta kuwada dhgi doonto, tuhunka ku saabsan Maamul goboleedyada somaliya qayb inay ka yihiin iyo ganacsato dano Shakhsi oo gaara ka leh dalka fawdo u galinaya sidii horeba udhici jirtay ee muqdisho kajirtay.

Gobolka Hiiraan waa meesha fidnada ugu weyni ka jirto degmooyinka KABXANLEEY iyo DEEFOOW, waxaana kawada dheregsanahay maanta dhibaatooyinka ka jiro deegaanadaas.
Dagaalka dhulboobka ah ee ka socda deegaanadaas waxaa ka riday Shakhsiyaad NORWAY ka tagay oo raba in dhulkaas ay mahsaariic dawladeed ku fushadaan oo dadka degan ka boobaan.

Magacyadada Shakhsiyaadka dhibka ka wada Gobolka Hiiraan oo loo gudbiyay Maxkamada caalamiga ee Hague ee wadanka holland ku taala, waqti aan fogayna waa lasoo joojin Maxkamada caalamiga ah si loogu qaado dambiyada meesha kadhacay oo dhan iyo khasaaraha dadka ku dhacay.
Waxaa muhiima ah in xukuumad Somaliya ee Xasan Sheekh madaxda ka yahay inay la xisaabtanto maamulka ka jira Hiiraan oo isagu Colaada huriyay dhibtana kawada degmooyinka KABXALEEY iyo DEEFOOW oo ah dhulka ugu wacan dalka.

Waxaa kaloo xusid mudan in shacabka geeska afrika dhamaan ay garab taaganyihiin Shacabka ku dhaqan kabxanleey iyo deefoow oo ah dhul aan marnaba muran gali karin lagana xisaabtami doono dagaalada laga wado deegaanadaas xili aan fogayn.

Xisbaga Shacabka geeska afriaka wuxuu u gudbiyey dacwada beesha caalamka xafiisyadooda oo dhan iyo dawaladaha USA,UK,TURKIYA,IGAD,AMISOM, in dhibka ka jira deegaanadaas ay hurinayaan dad xilal ka haya Somaliya iyo ganacsato mashaariic lasoo siiyey oo xaaraan ku naaxyo ah oo dhiiga shacabka Somaliyeed ku taajiaray, iyagoo raba in ay dhulkaas beeraha hodanka ku ah inay boobaan iyo maamulka gobolka hiiraan oo beel ku shaqaysato.
Gabagabdii anigoo ah gudoomiyaha xisbiga shacabka geeska afrika waxaan ugu baaqayaa dhammaan Shacabka Somaliyeed ee Geeska Afrika iyo dawladaha DJIBUTI, KILINKA 5-aad iyo Maamulada dalka ka jira guud ahaanba inay taageeraan Shacabka dulman ee Gobolka Hiiraan ku degan, guud ahaan gaar ahaan Degmooyinka Kabxanleey iyo Deefoow oo dulmi lagu hayo.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA PHILOSOPHER; HAABIIL CABDI HAYBE.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Geeska Afrika Oo Ka hadlay Dagaalka Dhul Boobka ah Ee Laga Wado Degmooyinka Deefoow iyo Kabxanley"

Leave a comment

Your email address will not be published.