Beesha Surre oo Shuruud ku Xirtay Wada hadal Dhex mara ayaga iyo Beesha wax Kadagta Bariga Baladweeyne.

Beesha Surre oo Shuruud ku Xirtay Wada hadal Dhex mara ayaga iyo Beesha wax Kadagta Bariga Baladweeyne.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Beesha Surre ay Shuruud ku xirtay wada hadal dhex mara iyaga iyo Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagta,

Ciidamada Amisom iyo Odayaal Dhaqameed iyo Wax garad ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxeey wadaan in wada hadal lagu dhameeyo Dagaalada ka Socda Gobolka Hiiraan ee uu dhiiga badan ku daadanaayo waxeeyna Labada dhinac kala hadleen in Gacan ka hadalka lagu badalo Gogol Nabadeed iyo wada hadal,

Beesha Surre oo hore looga baxay balamo Badan oo ay Marqaati ka yihiin dhinacyada Nabada wada ayaa sheegtay in aan marna la aamini karin Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagta isla markaana Surre aanuu waxba ka qabin in Nabad lagu soo dabaalo Gobolka Hiiraan,

Laakiin ay Beesha Surre ku xireeyso arintaan Shuruudo Xalaal ah 1- In Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa ay iska iloowdo Damaceeda Dhul boobka ku dhisan 2- in Beesha Bariga Baladweeyne Wax ka dagtaa ay si Shuruud la,aan ah uga Baxdo Dhulka Surre ayna Iimaansadaan inta Ilaah siiyay ay ku ekaadaan,

Beesha Surre ayaa sheegtay hadii labadaas Qodob ay Fuliyaan Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa in Markaas ay Diyaar u yihiin Beesha Surre in ay kala hadlaan aayaha Gobolka Hiiraan iyo Sidii si wadajir ah looga shaqeeyn lahaa Nabad galyo waarta oo lagu soo dabaalo.

Sida aan la wada Socono waxaa Gogol nabadeed isugu yimi Labada Ugaas oo Heshiis ku wada Saxiixday Magaalada Baladweeyne ayadoo ay Marqaatiyaal ka ahaayeen AMISOM iyo Oday Dhaqameedada iyo Wax garadka Gobolka Hiiraan

ayadoo la isu diyaarinaayo in laga shaqeeyo sidii Nabad galyo loogu soo dabaali lahaa Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Weerar aaneey ka Fiirsan Qaaday Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa Taasoo keentay in la kala Irdhoobo.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Beesha Surre oo Shuruud ku Xirtay Wada hadal Dhex mara ayaga iyo Beesha wax Kadagta Bariga Baladweeyne."

Leave a comment

Your email address will not be published.