Maxay ka yiraahdeen warbaahinta Kilinka Shanaad wararka in Liyuuga ay garab siinayaan beel

Maxay ka yiraahdeen warbaahinta Kilinka Shanaad wararka in Liyuuga ay garab siinayaan beel ka mid ah
beelaha ku dagaalamay Deefow

Warbaahinta Soomaaliya iyo Tan Kilinka Shanaad ayaa Qolobo si uga hadashay Dagaal laysku noq noqday oo Galinkii dambe ee Daraad ilaa maalinkii shalay ahaa kadhacayay Deegaamo dhaca xadka Itoobiya iyo Soomaaliya Gaar ahaan Gudaha Dalka Soomaaliya.

Xog aruurin dheer oo ay samayeen shabakada ogaaden24 ayey ku xaqiijiyeen Dagaalada halkaasi kadhacay oo ahaa 2-dagaal oo is Garab socday balse ay inta badan warbaahintu kadhigtay Dagaal u dhexeeyay Laba dhinac.

Hadaba hadii aan kuhorayno Dagaalka Hore oo kadhacay halka loo Yaqaano Burdhiinle waxaa uu bilawday Galinkii dambe ee Daraad ama 19-kii bisha, waxaana uu dhex maray maleeshiyada Liyuuga iyo kooxda Shabaab,

Dagaalkan oo ahaa Dagaal aanay Labada dhinac waxba isu reeban ayaa waxaa weerarkiisa lahaa kooxda shabaab oo mudo abaabul ugu jirtay Qaadista weerarkaasi oo ay kudoonayeen inay ku soo Af jaraan maleeshiyada Liyuuga.

Warkan ay shabakada ogaaden24 kaheshay masuul wakhti xaadirkan kusugan magaalada Godey balse kamid ahaa Gurmadkii u horeeyay ee Gaadhay Goobta Dagaalku kadhacay, ayaa u cadeeyay in Dagaalku ahaa mid xoogan ilaa tiro 4-goorna laysku noqday.

Shakhsigan masuulka ah ayaa intaasi kudaray in kooxda shabaab ay maleeshiyada Liyuugu u Gaysatay
Jab lixaad leh sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sheegay inay 30-kamid ah maleeshiyada Dileen in kabadan 80-kalana dhaawaceen, waxaana uu intaasi kudaray in maleeshiyada Liyuugu ay heleen Gurmad ayna u suuragashay inay baacsadaan maleeshiyadii kale ee kooxda Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay inay ka Qabsadeen Deegaanadii ay ka soo Duulaan tageen.

Isaga oo ka Jawaabayay wararka ay qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ee Soomaalidu sheegeen oo ah in maleeshiyada Liyuuga oo Garabsiinaysa maleeshiyo beeleed inay weerareen Deegaamo dhawr ah, ayaa uu Gabi ahaanba ka saaray meesha hadalkaasi, oo uu ku sheegay mid ay Faafiyeen dad aan caqliyan u fayoobayn oo aan waxba Hubsanayn.

Dagaalka kadhacay Burdhiinle oo ku fiday Deegaamo kala duwan ayaa soo dhamaaday Duhurnimadii shalay kadib markii ay Goobaha Dagaalka baneeyeen maleeshiyadii ka socotay kooxda Shabaab ee weerarka ahayd, waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in Khasaaraha Dagaalka kadhashay uu aad u badan yahay isugayna dhimashaduna ay dhintahay ilaa 33-Labada dhinac ah, halka dhaawacuna uu intaasi kabadan yahay.

Ilaa 15-Liyuu ah ayaa dhaawacooda lagaadhsiiyay magaalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeele waxaana jira sida warka aanu kuhelay Dhaawacyo kale, oo isla maleeshiyada katirsan.

Dhinaca kale Dagaalka 2-aad ee kadhacay degaanka Deefow ayaa ah mid aan kaas laxidhiidhin oo u dhexeeyay Laba beelood oo in dhowaalaba ku Dagaalamay dhul beereed kuyaala Duleedka Degmada Deefow.

Shabakadaha wararka ee Soomaalida ayaa baahiyay in maleeshiyada Liyuuga iyo maleeshiyo beeleed kuwada Duuleen Deegaanka Deefow, balse warkaasi ayaan ahayn sida loosheegay, inkaste oo Labada Deegaan ay yihiin kuwa isudhow.

Kooxda Shabaab ayaa iyadu dhankeeda baahisay inaysan ku Lug lahayn Dagaalada kadhacay Duleedada magaalada Baladwayne, balse dadka Deegaanku ay xaqiijiyeen in ciidanka 2-da maalin kudagaalamayay Burdhiinle iyo eeriyadiisa inay ahaayeen maleeshiyada shabaab.

Xigasho: ogaaden24

cowslafil.com

Be the first to comment on "Maxay ka yiraahdeen warbaahinta Kilinka Shanaad wararka in Liyuuga ay garab siinayaan beel"

Leave a comment

Your email address will not be published.