CAMAARAYN KU WAJAHAN WEERARKA LAGU QAADAY XILDHIBAANADA BEESHA DIR EE DAWLADA GOBOLEEDKA HIIRSHABEELE

BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM

UJEED: CAMAARAYN KU WAJAHAN WEERARKA LAGU QAADAY XILDHIBAANADA BEESHA DIR EE DAWLADA GOBOLEEDKA HIIRSHABEELE.

Ku: Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Ku: Raiisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaliya Maxamed Xuseen Rooble

Ku: Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen

Ku: Beesha Caalamka iyo Hayadaha Xuquuqal-Insaanka

Ku: Saxaafada Geeska Afrika iyo guud ahaan Saxaafada Caalamka

Golaha iyo Ururka Midnimada Direed (UMD) oo ah Urur iyo ku bahoobeen dhamaan afarta beelood ee beelweynta direed, Madoobe Dir, Madaluuq Dir, Madaxweyne Dir iyo Maha Dir wuxuu si mug iyo miisaan leh u cambaaraynayaa weerarkii daraad oo ay taariikhdu ahayd 3 september 2021 lagu qaaday xildhibaanada beelaha Dir ugu jira Dawlad Goboleedka Hiirshabeela.

Beelweynta direed waxay si weyn uga xuntahay weerarka iyo dagaalka joogtada ah ee lagu hayo beelaha Dir ee dega HIIRSHABEELA oo uu udanbayey weerakaas xildhibaanadu.

Sidoo kale Ururka Midnimada Direed (UMD) Waxa uu ka dalbanayaa xukuumada Federaalka ah ee Somalia iyo Dawlada Goboleedka Hiirshabeela inay si dhakhso loo horkeeno cadaalada cidii ka danbaysay weerarka xildhibaanada.

Ururka Midnimada Direed (UMD) waxa kale oo ka codsanayaa Xukumada Federaalka ah iyo ta Hiirshabeeleba in gargaar caafimaad oo degdeg ah loo fidiyo xildhibaanada dhawacu ka soo gaadhay weerakaas waxashnimada ah.

Xildhibaanada dhaawacmayna waxaanu ilaahay uga baryayaa caafimaad dedeg ah.

Stockholm Sweden

Ibrahim Ali Adan

Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed (UMD)

 

Cambaareyn_Weerarka_Xildhibaanada_Direed

cowslafil.com

Be the first to comment on "CAMAARAYN KU WAJAHAN WEERARKA LAGU QAADAY XILDHIBAANADA BEESHA DIR EE DAWLADA GOBOLEEDKA HIIRSHABEELE"

Leave a comment

Your email address will not be published.