INAA LILAAHI WA INAA ILEYHU RAAJICUUN, ALLAHA U NAXARIISTO SULDAAN HUSSEIN SHEEKH CUSMAAN OO DHOWAAN KU GEERIYOODEY MUQDISHO

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHU RAAJICUUN
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHU RAAJICUUN
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHU RAAJICUUN

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh ka dirayo dhamaan ehelada, qaraabada, asxaabta, bulsho weynta reer Hiiraan, iyo dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dowlahada iyo degaanada geeska Afrika, ka dib geeridii ku timid Suldaanka, Hogaamiyaha, Aabaha, Saaxiibka Suldaan Xusseen Sheekh Cusmaan oo dhowaan (maalintii qamiista, 13.febraayo.2020) ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Suldaan Xusseen wuxuu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee muhiimad iyo miisaan badan ku lahaa dhamaan degaanada iyo dadka soomaaliyeed oo uu la soo shaqeeyey. Suldaanka oo ahaa nin aad u xigmad badan, jecel nabada iyo horumarka umada soomaaliyeed, ku dadaala kana shaqeeye samatabixinta hadba bulshada markaa nasiibka u yeeshay inay meel ku wada noolaadaan.

Waxaa halkan Tacsi Tiiraanyo Leh ka dirayo dhamaan Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Bulshada qeybaheeda kala duwan, iyo dhamaan umada Islaamka ah oo saaxiibka la ahaa Suldaanka, Ustaadka, Aabaha, Hogaamiye Xusseen Sheekh Cusmaan.

Allow u naxariiso, Janatul fardowsa Allaha Ka waraabsho marxuumka. Dhamaanteena Samir iyo Iimaan Allaha inaga Siiyo

Aaamiin, Aamiin, Aamiin.

Cowslafil.com