Hambalyo iyo bogaadin ku socota Prime Minister-ka Dawlada Federaalka ah ee dalka Itoobiya mudane Dr Abiy Ahmed

Ujeedo: Hambalyo iyo bogaadin ku socota Prime Minister-ka Dawlada Federaalka ah ee dalka Itoobiya mudane Dr Abiy Ahmed oo ku guulaystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2019.

Salaadiinta, Ugaasyada, Boqorada, Cuqaasha, saraakiisha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka beelweynta Direed ee ku bahoobay golaha iyo Ururka MIDNIMADA Direed, waxay halkan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobinkarin uga soo dirayaan Prime Minister-ka dalka Itoobiya mudane Dr Abiy Ahmed oo ku guulaystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2019

Mudane Dr Abiy Ahmed oo ku mutaystay Abaalmarintaas sida lagu xusay bayaankii ka soo baxay gudiga Nobel Peace Prize ee dalka Norwey, soo afjaridii colaadii udhexsay dalka Itoobiya iyo Eritrea, isbedlka dhinaca demoqraadiyada, xoriyatul qawlka, siidaynta maxaabiistii uxidhnaa siyaasada iyo weliba heshiisyada nabada ee xukuumadiisu la gashay jabhadihii hubaysnaa.

Hogaanka iyo xubnaha Ururka MIDNIMADA Direed (UMD) waxay sidoo kale u mahadnaqayaan gudiga Nobel Peace Prize-ka dalka Norwey ee u gartay Abaalmarintaas Mudane Dr Abiy Ahmed.

Sidoo kale Ururka MIDNIMADA Direed (UMD) waxay ku hambalyeynayaan Abaalmarintaas dhamaan shacabka iyo Xukuumada dalka Itoobiya.

Nobel Peace Prize 2019 Aby Ahmed_2019

Ibrahim A. Adan
Gudoomiyaha Ururka MIDNIMADA Direed

cowslafil.com

Be the first to comment on "Hambalyo iyo bogaadin ku socota Prime Minister-ka Dawlada Federaalka ah ee dalka Itoobiya mudane Dr Abiy Ahmed"

Leave a comment

Your email address will not be published.