BAAQ CAMBAAREYN AH OO LOODIRAYO AXMED MADOOBE IYO MALEESHIYADIISA KISMAAYO.

Ku: Dawladda Federaalka Soomaaliya
Ku: Urur goboleedka Igad
Ku: Ciidamada Amisom
Ku: United Nations Human Rights Council(UNHCR)
Ku: Beesha Caalamka

Ururka Midnimada Dirdeed (UMD) oo ah urur ay kumideysan yihiin Ugaasyo,Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Waxgarad fara badan oo ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dunida dacalladeeda, wuxu si adag u cambaareynayaa dhaqan xumada iyo gabood fallada isugu jira Dil,Dhac,Xadhig iyo Barakicin ay Axmed Madoobe iyo maleeshiyadiisu kawadaan degaannada Jubbada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Waxa horay u dhacay dilal qorsheysan oo ay maleeshiyaadka Axmed Madoobe ugu geysteen Salaadiin iyo Cuqaal. Waxa xigtay in xadhig iyo afduub ay labeegsadaan beel gaarah(Biimaal) oo ilaa maanta aan lagaraneyn halka iyo xaaladda ay kusugan yihiin dadkii ay qafaasheen oo isugu jira Cuqaal,Saraakiil Sarsare,Haween tiro badan iyo Waayeel intaba.

Tacaddiyada uu Axmed Madoobe kawado Kismaayo maaha kuwo lagusii daawan karo. Waa in tallaabo sharciga waafaqsan degdeg looga qaado oo lahorkeeno maxkamadaha ku shaqadaleh, haddii ay yihiin kuwa dalka ama kuwa caalamiga ee masuulka ka ah xad gudubyada iyo tacaddiyada loogeysanayo xuquuqda aadanaha.

 

UMD BAAQ CAMBAAREYN KISMAAYO 01

06.10.2019
Guddoomiyaha UMD
Ibrahim Ali Aden

Be the first to comment on "BAAQ CAMBAAREYN AH OO LOODIRAYO AXMED MADOOBE IYO MALEESHIYADIISA KISMAAYO."

Leave a comment

Your email address will not be published.