Cambaarayn kulul oo ay halkan ka dirayaan shacabka Direed ee ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisa kuna wajahan Maamulka Axmed Madoobe

Waxaa ina soo gaaraya cambaareyn isdaba joog ah oo soo gaaraya shabakada cowslafil, oo lagu cambaareyn madaxweynaha maamulka is caleemo saaray ee degaanka Kismaayo, oo ku darsaday caburinta lagu hayo shacabka Direed ee halkaa ku dhaqan, xad gudubka loo geystay oday dhaqameedka beelaha Direed ee ku dhaqan halkaa.

Waxaa ina soo gaaraya odayaasha Direed ee Kismaayo ay maamulka Axmed Madoobe soo xireen in lix ka mid ah lasoo daayey, 4 kalena ay weli ku jiraan gacanta maamulka halkaa ka dhisan, loona
heysto wiilashii geesiyada ahaa ee ka goostay caburinta ka jirta halkaa una dhaqaaqay degaanka ay u dhasheen ee Jamaame.

Waxaa ina soo gaaraya in shacabka Direed ay caburin iyo xarig kala kulmeen maamulka Axmed Madoobe, isla mar ahaantaana dil iyo hanjabaado ka soo gaarayaan dadka Direed maamulka Al Shabaab ee ka taliya Jamaame, arrimahan oo ay isweydiinayaan dadka in ay jirto wada shaqeyn iyo iskaashi maamulka Axmed Madoobe iyo Al shabaab oo iska kaashan caburinta iyo dhibaateynta shacabka Direed ee halkaa ku dhaqan.

Waxaan halkan idiinku soo gubin odayaasha Direed ee xoriyadooda dib u helay ka dib xad gudubkii iyo xarigii loo geystay oday dhaqameedyada beelaha Direed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo

cowslafil.com

Be the first to comment on "Cambaarayn kulul oo ay halkan ka dirayaan shacabka Direed ee ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisa kuna wajahan Maamulka Axmed Madoobe"

Leave a comment

Your email address will not be published.