BAAQ NABADEED URURKA MIDNIMADA DIR KA SOO SAARAY COLAADDA DEGAANKA CEEL-AFEYN EE GOBOLKA SANAAG

Ururka Midnimada Dir(UMD),oo ah urur ay kumideysan yihiin Ugaasyo,Salaadiin,Cuqaal,Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo waxgarad fara badan oo rag iyo dumarba leh, wuxu baaq nabadeed u dirayaa walaalaha wadadhashay ee sida sabab iyo ujeeddo la`aanta ah isugu dilaya degaanka Ceel-Afweyn ee gobolkaSanaag.

Waxan leennahay walaalayaal aakhiradiinna ubaqa. Kan wax dilay iyo kan ladilayba cadaabbey muteysanayaan, adduunyadana midkiinna guul uu kufaano sheegan karimaayo.Isweydiiya maxaad kagaa dheysaan oo aan ahayn: carruur agoomowda,dumar agalqaada,islaamo hooyooyin iyo ayeeyooyina hoobaroorta,waalid goblama, iyo qaar badan oo idinka mid ah oo naafooba.Mana kala guuridoontaan abidkiin!

Waxaan foolxumo iyo gunnimo ahayn oo laga dhaxlayaa ma jiraanee joojiya dagaalka!

Maanta garlaqaadimaayo ee waa in sishuruudla`aan ah xabadda loo joojiyaa oo labaajiyaa dhiig iyo dhagar sii socota. Ciddii qabsoomi weyda ee aanan degdeg hubka udhigin,waa in siwadajir ah, xukuumad iyo shacbi, meel looga soo wada jeestaa. Waa in gacan adag lagu qabtaa qof walba oo lagu
tuhmo inuu si uun habayaraatee ugu lug leeyahay dhiirri galinta,taageerada iyo kaqeybgalka dagaalka iyo colaaddan soojiitantay muddada dheer.

Ma aha inmilalka dusha uun laga dhayo, ee waa in gunta iyo xiddiddada loo dhaadhacaa.

Dawladdu yaanay sahashan inkhatarta iyo cawaaqibta kadhalaneysa dagaalkan. Waxan carrabka ku adkeynaynaa khatarta noomuuqata inay ka imankarto dagaalkan oo kufidi kara degaanno kale, khalkhalna galin kara guud ahaan nabadgalyada qaranka Somaliland, sidaa darteed xukuumaddu waa inay siisaa mudnaanta koowaad soo afjaridda dagaalkaas.

Ugu dambeyntii ururkan UMD wuxu taageerayaa dadaalka iyo gurmadka hoggaanka beelweynta Dir ee uu horkacayo Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo dhammaan madax dhaqameedka kale ee reer Somaliland.

Dokumentiga Baaqa nabadeed

Allah ayaa mahad leh.

11.07.2019
Guddoomiyaha UMD Ibraahim Cali Aaden.

cowslafil.com

Be the first to comment on "BAAQ NABADEED URURKA MIDNIMADA DIR KA SOO SAARAY COLAADDA DEGAANKA CEEL-AFEYN EE GOBOLKA SANAAG"

Leave a comment

Your email address will not be published.