Baaq: Diidmo ciidan qabiil gaar ah oo matalaya ciidanka qaranka ee Somali State

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Ku: Raiisal wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Itoobiya mudane Abiy Ahmed
Ku: Madaxweyne Dawlada deeganka Somali State mudane Musafe Cagjar
Ku: Saxaafada Afka Somaliga iyo saxaafada Dalka Itoobiya.

OG: Gudoomiyaha XDSHSI mudana Ahmed Shide

Ujeedo Baaq:

Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, Cuqaasha, saraakiisha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay ku baaqayaan,

1. In aanay aqbali doonin go,aanka uu ku dhawaaqay madaxweynaha dawlad degaanka Somali State mudane Mustafe Cagjar ee uu ugu cimaamaday amniga Somali State malayshiyadii ONLF ee beesha Ogaadeen iyo malayshiyadii LIYUU POLICE ee isla beesha Ogaadeen.

2. In aan lagu aamini karin amniga Somali State labadaas malayshiyo ee isku reerka ah ee hore xasuuqa, barakicinta, dil, boobka iyo dhaca ugu gaystay umadda degta Somali State.

3. In loo baahanyahay in la dhiso ciidamo amni oo ay kuwada kalsoonyihiin, kana wada dhexmuuqdaan dhamaan umadda degta Somali State.

Ugu dambeyntii Ururka Midnimada Direed wuxuu madaxweyne Musafe Cagjar usoo jeedinayaa inuu muujiyo hogaamin ku dhisan xaqsoor iyo cadaalad, oo uuna dhiso dal iyo dawlad la wadaleeyahay, kana xoroobo qabyaalada iyo nidaamka reernimada ku salaysan.

Fiiro gaar ah: Ururka Midnimada Direed (UMD) waxaa ku bahoobay afarta haamood oo ay ka kooban yihiin beelaha Dirka, oo kala ah Madaxweyne Dir, Maha Dir, Madoobe Dir iyo Madaluug Dir.

Wa bilaahi towfiiq

Febraayo 10/2018

Ibrahim Ali Adan
Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed (UMD)

Baaq_diidmo_ciidan_qabiil

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baaq: Diidmo ciidan qabiil gaar ah oo matalaya ciidanka qaranka ee Somali State"

Leave a comment

Your email address will not be published.