URURKA MIDNIMADA DIREED OO HAMBALYO U DIRAYO UGAASKA GURGURE

U/M/D 006/2019

Hambalyo: Ugaaska Beelweynta Gurgure (Curadkii Direed)

Boqorada, Salaadiinta, Ugaasyada, Waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha kale duwan ee bulshada Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay halkan hambalyo xambaarsan farxad aan lasoo koobi karin uga dirayaan Ugaas Siyaad Daa’uud Cumar oo maanta (09.Febraayo.2019) lagu caleemo saaray magaalada Dire Dhabe.

Hadaba anagoo ah Hogaanka, Madax dhaqameedkii, Aqoonyahanka, Dhalinyarada iyo waxgaradkii Beelaha Direed aan halkan hambalyo uga direynaa dhamaan bulshada Somali State guud ahaan, iyo gaar ahaan beelweynta Gurgure oo maanta halkaa ku doortay ugaaskii 54’aad.

WA BILAAHI TOWFIIQ
TAARIIKHDA: 09.FEBRAAYO.2019

OSLO, NORWAY
ABDIFATAH BUUXE
XOGHAYAHA Ururka Midnimada Direed

Hambalyo_UgaaskaGurgure_2019

cowslafil.com

Be the first to comment on "URURKA MIDNIMADA DIREED OO HAMBALYO U DIRAYO UGAASKA GURGURE"

Leave a comment

Your email address will not be published.