Beesha Xawaadle oo markale dagaal gardara isu soo baheystay, duulaana ku ah Kabxanleey iyo Deefow

Beesha Xawaadle oo markale dagaal gardara isu soo baheystay, duulaana ku ah Kabxanleey iyo Deefow

xulufo_xusuuqa_hiiraan

Wararka inaga soo gaaraya degaanada Kabxanleey iyo Deefow ayaa sheegaya in seddexdii maalmood
ee ugu danbeeyey ay ciidaan iyo saanad militery ay beesha Xawaadle ku soo gurayaan agagaarka
degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Colaada ka taagan dagaanadaa oo ay masuuliyiin sar sare ee dowlada ay u xil saareen wafdi wasiiro ah
ayaa waxaa is hortaagay Madaxweyne Hassan Sheikh, oo la kulmay beesha Xawaadle, dadka intiisa kalena u sheegay inuu isaga arrinta si toos ah u galayo, soona af-jarayo colaadan. Taasi waxaa xigay in isbedel siyaasadeed oo lagu ridayo ra’iisal wasaare Abdiweli Sheekh la dhaqan geliyo, ka dibna ay beelaha dhulboobka wada ay halkeedii ka bilaabeen qorshaha dulmiga, xusuuqa, iyo dhulboobka lagu hayo beelaha Direed ee ku dhaqan Sh. hoose iyo Gobalka Hiiraan.

Wararka inaga soo gaaraya degaanada Kabxanleey iyo Deefow ayaa sheegaya in beesha Xawaadle ay ka soo gurayaan maleeshiyo dhulka baadiyaha, ka dib markii ay ku jabeen seddexdii dagaal ee ugu danbeeyey, dagaaladaas oo aanan labada dhinac waxba leysu reeban. Maleeshiyada baadiyaha laga soo uruuriyey ayaa ah kuwa lasoo qalday, lana rabo in loo adeegsado dulmiga qaawan ee lagu hayo beelaha Surre ee degen degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Maamulka AMISOM ee ciidanka Jabuuti ayaa la sheegay inay wadaan dadaalo looga hortagayo dagaalo cusub oo ka dhaca halkaa, isla mar ahaantaana masuuliyad iska saaray in Hubka Qaranka, qaasatan hubka cul culus ee dowlada in aanan loo isticmaali karin dagaal beeleedka ka jira halkaa.

Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in mar walba la filan karo in uu ka bilowda dagaal halkaa, diyaar garow saf balaaran iyo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo duleedka degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Waxaa jira gurmad fara badan oo soo kala gaaraya labada dhinac, halka saraakiisha ciidamada degaanka Kabxanleey iyo Deefow ay inoo sheegeen inay siin jawaabta ku haboon cid walba ee lasoo doonata dulmi degaanadan.

Wixii ka soo kordha xaalada degaanadan dib ayaan idinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

1 Comment on "Beesha Xawaadle oo markale dagaal gardara isu soo baheystay, duulaana ku ah Kabxanleey iyo Deefow"

  1. Asc asxaabta beesha xawaadle wan Idiin salamay Dhaman Rag iyo Dumar saad uhan tihin Ramadanul karim

Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published.