Wararkii ugu danbeeyay Dagaalkii Faqi-Muxumad iyo Mareexaan iyo Qasaaraha dagaalka

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalkii Faqi-Muxumad iyo Mareexaan iyo Qasaaraha dagaalka

Waabarigii Saaka ayaa waxaa weerar gardaro ah ku soo Qaaday Beesha Faqi-Muxumad Maleeshiyo Beeleedka Kasoo jeeda Beesha Mareexaan kadib markii ay si bareer ah u dileen laba nin oo iska hurday, kadib ayaa waxaa biloowday dagaal aad u qaraar oo dhex maray labada beelood,

Dagaalkaas ayaa wararka soo gaaraya deefoow.com waxa ay sheegayaan in uu wali socdo isla markaana uu ka socdo Bali- boore oo ah meel u dhaxeeysa Magaalooyinka Xeraale iyo Balanbale, wararka ay heleeyso warbaahinta deefoow.com waxa ay sheegayaan in dagaalkaas ilaa hada ay ku dhinteen marka laga hadlo labada dhinac Sideed Ruux isla markaana uu dhaawacu Gaarsiisan yahay Shan iyo toban Qof,waqtigan Xaadirkana Xabadu waa ay socotaa,

Xigasho deefoow.com

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu danbeeyay Dagaalkii Faqi-Muxumad iyo Mareexaan iyo Qasaaraha dagaalka"

Leave a comment

Your email address will not be published.