Madaxweynaha koonfur galbeed oo ka hadlay dagaalka ay beelaha hawiye ka wadaan gobolka sh.hoose.

Madaxweynaha koonfur galbeed oo ka hadlay dagaalka ay beelaha hawiye ka wadaan gobolka sh.hoose.

Madaxweynaha maamulka seddexda gobal ee dowladda aqoonsiga ka helay ayaa ka hadlay xaaladda gobalka Shabeellaha Hoose. Wuxuu sheegay Maxamed Cabdinuur in Shabeellaha Hoose uu ka jiro maamulka Koonfur Galbeed isla markaana aysan jirin wararka suuqa wareegaya ee sheegaya in Shabelle State ay xukunto magaalada Marko.

“Shabeellaha Hoose waxaa looga arrimiyaa magaalada Baydhabo taasna waxay kamid ahayd heshiiskii dowladda iyo beesha caalamka ay goob-jooga ka ahayd ee ka dhacay Villa Soomaaliya laakiin waxaan dhiira-galinayanaa mar walba wada hadal” ayuu yiri Maxamed Xaaji Cabdinuur.

dhanka kale maamulka dhul boobka ku dhisan ee la magacbaxay Shabelle State oo qaadacday heshiiskii ka dhacay Villa Somalia ayaa sheegtay in cid ka socota Baydhabo oo metasha maamulkaasi aysan cag soo dhigi karin Shabeellaha Hoose isla markaana maamulka Shabelle State uu yahay mid u dhisan beelaha Hawiye.

Beelaha Hawiye ayaa dagaal iyo colaad hor leh ugu hanjabaya iminka cid walba oo ka hor-timaada danahooda ah hirgalinta maamulka Shabeelle State.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Madaxweynaha koonfur galbeed oo ka hadlay dagaalka ay beelaha hawiye ka wadaan gobolka sh.hoose."

Leave a comment

Your email address will not be published.