Dagaal Oogeyaal Ku Sugan Bariga Beledweyne Oo Dibadbax Abaabulayo Iyo Ciidamada Jabuuti Oo Gaaray Deegaanada Deefow Iyo Kabxanley

Dagaal Oogeyaal Ku Sugan Bariga Beledweyne Oo Dibadbax Abaabulayo Iyo Ciidamada Jabuuti Oo Gaaray Deegaanada Deefow Iyo Kabxanley

Wararka laga helayo degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in dagaal oogeyaal ka soo jeedo mid ka mid ah beelihii ku dagaalamay gobolka Hiiraan ay abaabuleen mudaaharaad beeleed oo ay ka dhigeen xaafada Kowshin ee bariga Beledweyne.

Mudaaharaadka ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM ee ka socda wadanka Jabuuti oo ku sii jeeday deegaanada Deefow iyo Kabxanley ay wadada u galeen maleeshiyaad beesha Xawaadle ah oo ka baxay bariga Beledweyne isla markaasina diidanaa in ciidamada Jabuuti saldhig ka sameystaan aagagga lagu dagaalamay ee Deefow iyo Kabxanley.

Ciidamada Jabuuti oo ka jawaabayey rasaas lagu soo riday ayaa la soo sheegayaa inay dhaawaceen tiro ka tirsan maleeshiyaadkii is hortaagay oo rasaasta soo riday, arinkani ayaa wuxuu sababay in dagaal-oogeyaashii maleeshiyaadkaasi soo diray ee ku sugnaa Bariga Beledweyne ay haween iyo caruur guryaha ka soo saaraan iyagoo sheegayo inay ku mudaaharaadayaan ciidamada Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah nabad ilaalinta AMISOM ayaa markii ugu horeysay amar lagu siiyey inay kala dhexgalaan dagaalada u dhexeeyo dadka degan Bariga Beledweyne iyo Deegaanka Deefow.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal Oogeyaal Ku Sugan Bariga Beledweyne Oo Dibadbax Abaabulayo Iyo Ciidamada Jabuuti Oo Gaaray Deegaanada Deefow Iyo Kabxanley"

Leave a comment

Your email address will not be published.