Gudoomiyaha Jaaliyada Itoobiyan Somali Community (Somalia State) ee UAE oo la kulmay Jawar Mohamed

Jaaliyada Itoobiyan Somali Community oo la kulmay Jawar Mohamed oo sabab u ahaa kacdoonka Oromada ee horseeday isbeddelka Demoqradiga hoggaamineed oo dalka Itoobiya ka dhacay,halkaas oo ay qowmiyadda Oromadan ku hanatay kursiga Ra’isal wasaaraha.

Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Suldaan Ismail Suldaan Odawaa iyo Hogaamiyaha kacdoonka Oromada Mudane Jawar Mohamedayaa ka wadaa hadlay arrimo badan oo la xiriira sidii jawi nabadeed looga abuuri lahaa shacabka Somalida iyo Oromadaoo ah dad wax badan wadaaga, xuduud dheer iyo ood wadaag ku ah degaano badan ee ku teedsan dalka Itoobiya.

Labadan masuul ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeye xoojinta nadabgelyada iyo taageerida nidaamka demoqradigaee ka curtay dalka Itoobiya, ee uu hogaanka ka yahay Mudane Abiy Ahmed (Raisal Wasaaraha Dalka Itoobiya), oo runtii ahhogaamiye la yimid isbedel badan oo lagu hanan karo nabadgelyo, horumar, demoqradiyad, iyo isu soo dhowaansho dhamaan dowladaha geeska Afrika.

Waxaa ugu danbeyntii halkaa lagu soo gaba gabeeyey kulankan taariiqiga ah oo ay ku yeesheen labadan masuul dalka Imaaraadka Carabta,kulanka oo ku soo dhamaaday is faham iyo in leysla qaatay arrimo badan oo isbedel nabadeed iyo horumarba ku soo kordhin doono dhamaan degaanada iyo xuduudaha ay wadaagaan labadan qowmiyadood ee Somalida iyo Oromada.

Cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiyaha Jaaliyada Itoobiyan Somali Community (Somalia State) ee UAE oo la kulmay Jawar Mohamed"

Leave a comment

Your email address will not be published.