Dagaalka Deefow iyo Kabxanley oo lagu jibiyey Gaaska Shanaad ee Beesha Baladweyne

Dagaalka Deefow iyo Kabxanley oo lagu jibiyey Gaaska Shanaad ee Beesha Baladweyne

Waxaa maanta u suura gashay in ciidamada degaanada Deefow, Kabxanleey, iyo Madiina ay iska dulqaadaan ciidan beeleedka isku qarin shaarka qaran, ee sheegan inay yihiin ciidankii qaranka, ama gaaska Shanaad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada degaanada Deefow iyo Kabxanleey ayaa dib u qabsaday hoygoodii iyo degaanadoodii ka dib markii ciidan beeleed huwan shaar dowladeed ay dagaanadaas ka qixiyeen dadkii degenaa, dabna qabadsiiyey gabi ahaan degaanadan.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya degaanada maanta leysku fara saaray ayaa ah in maanta saacada markay ahay 6’dii maqrabnimo uu degaanka kabxanleey ay gacanta ku dhigeen ciidamada beelaha Surre.

Waxaa kaloo nasoo gaaraya in isbitaalka Baladweyne lasoo gaarsiiyey dhaawac fara badan.

Gobolka Hiiraan waxaa ku dhaqan 17 beelood oo beelaha soomaaliyeed, ayaa maalmahan danbe waxaa lasoo
deristay beelaha halkaa ku dhaqan welwel ay ka qabaan siyaasada iyo dhaqan xumada dagaal ay ka bilaabeen halkaa beesha hubkii iyo hantidii qaranka gacanta loo geliyey, hubkaas oo lagu xusuuqay, laguna qaxiyey beelaha degen degaanada Kabxanleey, Madiina, iyo Deefow.

Dagaalka gardarada ah ee lagu hayo beelaha ku dhaqan Kabxanleey iyo Deefow ayaa noqday mid dowlada iyo ciidamada Amisom ay indhaha ka  fiirsan, shacabka ku dhaqan Gobolkana ay u cadaatay in sida maanta loo dhibaateyn beelaha Surre, ay berito iyagana loo dhibaateyn, xalkana uu ku jira in ay beelaha soomaaliyeed ee ka kooban 17 beelood ee ku dhaqan
gobolka Hiiraan ay ka tashadaan aayahooda, halka iyagoo ku mideysan ciidamada Westland State, ay iska  qabtaan cidii dulmi iyo fowda ka dhex abuuri dadka walaalaha ee wada dega Gobolka Hiiraan.

Xuduudaha beelaha ku dhaqan Gobolka Hiiraan ma aha kuwa hadda la calaamadeyn, ama xoog lagu sameyn, cid walba oo ku dhaqan gobolka Hiiraan waa ay ogtahay dadka dega Kabxanleey iyo Deefow, xalka iyo nabadana waxay imaan markii la dhowro deris wanaaga,  lana joojiyo colaadaha iyo dhibaatooyinka lagu hayo beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanadan.

Dhibaatada ka jirta Gobolka Hiiraan horeyna
uma dhicin inay Dowlada Soomaliya iyo Amisom wax ka qabtaan, haddana loogama fadhiyo in ay joojiyaan colaadaha iyo dulmiga ka jira gobolka.  Mustaqbalka iyo xasiloonida gobolka Hiiraan xalkiisa wuxuu gacanta ugu jiraa hogaanka maamulka Westland State oo maanta ka midoobay xag siyaad, dhaqaale, iyo awood intaba.

Halkan kala soco wixii ka soo kordha xaalada degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaalka Deefow iyo Kabxanley oo lagu jibiyey Gaaska Shanaad ee Beesha Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.