Ciidamada degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo ka saaray dulmi wadayaasha ku soo duulay degaanadan

Ciidamada degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo ka saaray dulmi wadayaasha ku soo duulay degaanadan

Waxaa ina soo gaaraya warar dagaalo qaraar oo leysku fara saaray degaanka Deefow saakay.
Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada xaq u dirirka degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo ka
saaray degaanadan dulmi wadayaasha ka soo duulay Baladweyne ee ku haya dhulboob iyo
gardaro dadka ka soo jeeda degaanadan.

Ka dib markii lagu guul dareystay in la xakameeyo dadkan isku baheystay dulmiga ee garab ka helaya
maamulka Gobolka iyo hubkii qaranka ayaa waxaa u suurto gashay ciidamada degaanada Deefow, Madiina, iyo Kabxanleey
inay dib u hantaan degaanadooda.

Wixii warar dheeraad ah oo ka soo kordha qasaaraha iyo xaalada ugu danbeesa ee degaanada saaka leysku fara saaray
dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo ka saaray dulmi wadayaasha ku soo duulay degaanadan"

Leave a comment

Your email address will not be published.