Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Surre (Dir) Ee Degan Gobolada Dhexe oo si aad u dhaliiley gudiga loo sameeyey dhowaan

Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Surre (Dir) Ee Degan Gobolada Dhexe oo si aad u dhaliiley gudiga loo sameeyey dhowaan

Ku: Xafiiska Madaxweynaha DFS
Ku: Guddomiyaha Baarlamaanka DFS
Ku: Xafiiska R/Wasaaraha DFS
Ku: Dhammaan Madaxda DFS, Xarumahooda
Ku: Dhammaan Beelaha Soomaaliyeed
Ku: Dowladaha IGAD, Xarumahooda
Ku: Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG, UNSOM)
Muqdisho.

Ujeeddo: Xadgudub lagu sameeyay hab-qaybsigii maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Annagoo ah waxgaradka beesha Surre (Dir), khaas ahaan kuwa degan gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud, waxaan halkaan ku caddeyneynaa in la baal maray heshiiskii Beesha Caalamka goobjoog ka ahayd waxna ka saxiixday, ka dib markii hab-qaybsigii guddigii farsamada ee Mudug iyo Galgaduud laga fara maroojiyay guddigii xafiiska R/wasaaraha u magacaabay iyo wakiiladii beelaha deegaanka .

Waxaan si wadajir ah u cambaareyneynaa isla markaana kala xisaabtami doonaa ciddii soo saartay liis aan tiro ahaan iyo qayb ahaan midna heshiis lagu ahayn khilaafsanna wixii beesha caalamka iyo maamulada ay saxiixeen.

Sidaa awgeed waxgaradka beesha Surre (Dir) intaas markay arkeen waxay soo saartay go’aankan:

Waxaan ku wargelineynaa cidda ay khuseyso in aaney ku qanacsaneyn qaybta la sameeyay iyo tirada lagu kordhiyay ee aan heshiiska lagu ahayn maadaama wakiiladii beesha iyo wasiirkii xafiiska R/wasaaraha u soo magaacabay aan lagala tashan, lana wargelinin.

Waxaan ku wargelineynaa cidda ay khuseyso in aan beesha Surre raali ka ahayn ,aqbalin, una cuntamin saamigaasi quursiga huwan taasoo beesha derisba la ahayd intii ay xukuumadda hadda jirta hoggaanka dalka qabatay .

In beesha Surre aysan ka soo qayb-geli doonin gudigaas maadaama habka loo qaybiyay tiradaas beesha Surre (Dir) aanay ahayn mid si cadaalad ah loo qaybsaday,qaybta laga siiyayna aanay ahayn wax u qalma karaamada iyo haybadda beesha .

In lagu soo daro beelaha laga tagay ee dega deegaanka si maamul u sameynta labada gobol ay Dastuurka u waafaqsanaato.

In la xaq-dhowro xuquuqda beelaha laga tiro badan yahay ee dega dhammaan deeganada Mudug iyo Galgaduud.

Beesha waxay soo dhaweyneysaa in la dhiso maamul ku saleysan iskaashi iyo wadjir dhammaan beelaha wada dega deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Wax allaale iyo wixi ka yimaado gudigaas waxa qaadi doono dowlada wax u cuntami doonana maaha beesha Surre .

War-murtiyeedkaan waxaa soo saaray:

1) Ugaas C/raxmaan Xaaji Xuseen ______________________
2) Ugaas Daahir Yuusuf Isxaaq ________________________
3) Nabadoon Xuseen Geedi Jimcaale ____________________
4) Nabadoon Xuseen Xasan Aadan _____________________
5) Nabadoon Xuseen Axmed Isxaaq _____________________
6) Nabadoon Cabdullahi Ibrahim Ciise ___________________
7) Nabadoon Cali Salaad Aadan _______________________
8) Nabadoon Maxamuud Cabdullahi Geedi _______________
9) Nabadoon Maxamed Maxamuud Barre ________________
10) Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Xirsi ________________
11) Avv. Cabdulqaadir Macalin Ibrahim __________________
12) Dr. Maxamuud Maxamed Macalin ___________________
13) Dr. Xasan Nuur Maxamed Xirsi_______________________
14) Ing. Cabdullahi Sheikh Xasan ________________________
15) Col. Maxamed Abshir Xareed________________________

Be the first to comment on "Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Surre (Dir) Ee Degan Gobolada Dhexe oo si aad u dhaliiley gudiga loo sameeyey dhowaan"

Leave a comment

Your email address will not be published.