Faah Faahin: Horjooge Cabdi Dhegey iyo Lix Ka Mid ah Istaafkiisa Oo Xalay Lagu dilay Deegaanka Mushaani

Faah Faahin: Horjooge Cabdi Dhegey iyo Lix Ka Mid ah Istaafkiisa Oo Xalay Lagu dilay Deegaanka Mushaani

Wararka naga soo gaaraya degmada Jannaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi Ciidamada deegaanka ay ka sameeyeen Howlgalo lagu Ciribtirayo Mooryaanta kusoo duushay Gobolka Shbabeelada hoose.

Tuulada Mushaani oo hoos tagta Degmada Jannaale aya lagu soo waramayaa in Xalay lagu Dilay Horjooge Mooryaan Cabdi dhegey iyo Lix kamid ah Istaafkiisa iyagoo Meel ku qayilaya .

Mooryaan Cabdi dhegey aya ahaa Horjoogayaasha dagaal gelinta Ciidamada Mooryaanta, waxaana ugu dambeyntii Ciidamada deegaanka ay Howlgal qorsheysan ku dileen Cabdi dhegey iyo Mooryaantii kale ee la socotay.

Waxaa sidoo kale Ciidamada Deegaanka xalay ay dagaal kula wareegeen deegaanka Gumeesi diid ee hoos taga degamada Awdheegle, waxaana lagu soo waramaya in Ciidamada deeganka ay halkaasi ku dileen tiro badan oo ka mid Mooryaanta Naflacaariga ah.

Xigasho: Shabakada wararka caalamiga ee Markacadey.com

cowslafil.com

Be the first to comment on "Faah Faahin: Horjooge Cabdi Dhegey iyo Lix Ka Mid ah Istaafkiisa Oo Xalay Lagu dilay Deegaanka Mushaani"

Leave a comment

Your email address will not be published.