Kulan Gogol ay dhigeen beelaha Xassan Fiqi Cumar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Kulan dhiiri gelin iyo guubaabin dhanka horumarka oo ay gogashiisa dhigeen beesha Xassan Fiqi Cumar, oo ayna ka soo qeyb galeen xubno muhiim ah oo ka socda beelaha Surra ayaa wuxuu ka dhacay dhowaan magaalada Muqdisho.

 

Muhiimada kulankan oo ahaa in la xoojiyo nidaamka dhaqaalaha oo aasaas u ah horumarka beel, bulsho, degaan, qowmiyad, iyo qaran intaba. Waxaa halkaas ka hadlay xubno ka tirsan beelaha Fiqi Cumar oo balan qaaday inay diyaar u yihiin in si isku mid ah ay ula qeybsan culeyska dhaqaale beelaha walaalahood si loo gaaro hadafka horumarka degaanada beesha.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay odayaasha beelweynta Surre ee Cabdalle iyo Qubeys, kana soo jeediyey talooyin, dhiira gelin, iyo muhiimada ay leedahay in la xoojiyo midnimada .

Kulanka oo ka mid ah kulamo taxane ah oo horeyna u dhacay, isla mar ahaantaana sii socon doono ayaan waxaan halkan idiinku soo gudbin isagoo muuqaal ah.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Kulan Gogol ay dhigeen beelaha Xassan Fiqi Cumar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho"

Leave a comment

Your email address will not be published.