Dhageyso Gudoomiyaha Degmada Bacaad-weyn “Booyada Biyaha Ee 40-Qaad Ah Waxaan Ku Iibsanaa 250 Doolar”

Degmada Bacaadweyne Ee Gobolka Mudug ayaa laga soo sheegayaa in ay aad u kaceen qiimaha la kala siisto Booyadaha Biyaha ee ay dadku isticmaalaan, Booyda Biyaha ayaa la sheegayaa in la kala siisto qiimo dhan 250 doolar.

Gudoomiyaha degmada Axmed Daahir oo la hadlay Markacadey ayaa sheegay in xaalad nolol xumo oo aad u liidata ay ku jiraan dadka ku dhaqaan deegaanada hoos yimaada Bacaadweyn iyo kuwa ku dhaqan halkaasi, waxaana uu sheegay in biyaha deegaanka laga isticmaalo laga soo dhaamiyo meel masaafa ahaan deegaanka u jirta 80 km ilaa 95 km, halkaas oo laga helo Ceelal Biyood matooro ay saaranyihiin.

Nolosha ay ku suganyihiin dad Bacaadweyn ayuu tilmaamay in ay aad u liidayo, qoys ku dhaqan deegaanka ayuu sheegay Gudoomiyaha in ay ka war heleen iyagoo aan wax cuna ah helin ilaa seddax habeen markii qabarkaasi uu soo gaaray ay gurmad u fidiyeen.

Qurba joogta deegaanka kasoo jeeda ayuu ku eedeeeyey kuwo gacmaha ka laabtay wax u qabashada dadka ay ka dhasheen oo xaalado ciriiri ah hada la daalaa dhacaya, wuxuu u mahad celiyey nin ganacsada ah oo kasoo jeeda Deegaanka oo lagu magacaabo Jeylaani Cali Kediyey iyo shakhsi kale oo dhawaaan dadka soo gaarsiiyey xoogaa badar ah iyo booyada biya ah oo lasoo gaarsiiyey dadka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso Gudoomiyaha Degmada Bacaad-weyn “Booyada Biyaha Ee 40-Qaad Ah Waxaan Ku Iibsanaa 250 Doolar”"

Leave a comment

Your email address will not be published.