Dhageyso Biya La’aan ba’an oo ka jirta Deegaanka Bacaad-weyne iyo degaanada ku dhow

Wararka ka imaanaya deegaanka Baacadweyne ee Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in halkaasi ay ka taagantahay xaalad biya la’aan oo aad u daran ka dib markii ay gureen inta badan ilihii laga cabi jirey biyaha.

Dadka ku dhaqan Baacdweyne ayaa soo sheegaya in haatan xaalad adag ay ku suganyihiin dadka iyo duunyada ku dhaqqan halkaasi islamarkaana ay u baahanyihiin gar gaar bina aadanimo maadaama xaaladooda ay liidatao.

Nin la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guud ahaan ay gureen Barkadahii iyo Ceelashii dadka ka dhaansan jireen wuxuu intaa ku daray in booyada biyaha ay gaartay lacag dhan 200 doolar taas oo dadka aanay awoodin ay iibsadaan, deegaanada qaar ayuu sheegay in biya kharaar iyo kuwo macaan intaba aanay la heyn.

Abaarta ka jirta Koonfurta iyo bartmaha Somaaliya ayaa saameyn lixaad leh ku yeelatay inta badan dadka iyo duunyada, waxaana jirin gar gaar muuqda oo ay wadaan Maamul Goboleedyada dalka iyo dowlada.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso Biya La’aan ba’an oo ka jirta Deegaanka Bacaad-weyne iyo degaanada ku dhow"

Leave a comment

Your email address will not be published.