NISA oo xabsi dhigtay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifatah Hassan Afrax oo doraato loo soo qaaday magaalada Muqdisho ayaa hadda ku sugan xabsiga.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa la geeyey xarunta Nabadsugida magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Habar Qadiijo, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu yahay eedeysane u xiran, laguna sameyn baaritaan, waxaana arrintaas gacanta ku haya Xeer Ilaalinta qaranka.

Dilka Mahdi Xusseen Sheekhaal ayaa xiisad ka abuuray magaalada Baladweyne, waxaana arrinta soo farageliyey Madaxweyne Xassan Sheikh oo amray in kiiska loo soo wareejiyo Muqdisho.

Odayaasha iyo Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa kula taliyey Madaxweynaha inuu xilka ka qaado gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ay sheegeen inaysan Suuro gal aheyn inuu Gudoomiye ka sii ahaado Gobolka.

Xariga iyo xabsiga la dhigay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dad badan, gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan ay aad ula socdaan, sugayaana in sharciga la marsiiyo Gudoomiyaha oo intuu xilkan hayey uu Gobolka ka bixi waayey dagaal sokeeye, degaano la gubo, iyo dad badan oo qiimo ku lahaa gobolka oo maalin walba mid la dilo.

cowslafil.com

Be the first to comment on "NISA oo xabsi dhigtay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan"

Leave a comment

Your email address will not be published.