Dagaal U Daxeeya Maleeshiyo Ka Wada tirsan Maamulka Hiraan Oo Ka Qarxay Xaafad Ka Mid ah Beledweyne

Wararka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo waramaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal uy dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Maamulka Magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid kadib markii Maleeshiyada ay ku murmeen canshuur iyo maamulka Xaafada Howl-wadaag ee Beledweyne, sidaa ay ku kala safteen Maleeshiyada qaab beeleed ahaan.

Maamulka Beledweyne weli kama uusan hadlin dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyada Maamulka ka tirsan islamarkaana qaab beeleed ahaan u kala saftay, laakiin waxaa la sheegayaa in dadkii xaafadahaas degenaa ay isaga qaxeen guryahooda maadaama ay dareemayeen dhaq dhaqaaqa labada dhinac ee hada isku dhacay.

Waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala garay dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dad shacab ah oo halkaasi ku dhaqan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal U Daxeeya Maleeshiyo Ka Wada tirsan Maamulka Hiraan Oo Ka Qarxay Xaafad Ka Mid ah Beledweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.