Daawo Sawirada Saraakiisha Maleeshiyada Dowlada Muqdisho Ee Gaaray Nambar 50 (Magacyadooda iyo Jagooyinka)

Saraakiil uu hugaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Muqdisho Cabdalla Xuseen Cali ayaa shalay gaaray Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Mas’uuliyiinta oo kala ahaa-
Cabdalla Xuseen Cali W.ku xigeenka Wasaarada Gaashaandiga.
.Cali Baashi, Abaan duulaha Ciidamada.
.Caynte Hogaanka Ciidanka.
.C/hi Macallin Nuur Taliyaha Zaadka.
.Maxamed Maxamuud Saney Taliyah Q/1aad ee 12ka Abriil.
.Buraale Abaan duulaha Q/1aad ee 12ka abriil.
.Garabey hogaanka gaadiidka.
.Liibaan Cali yarrow Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada..-Col. Waran Taliyaha Guuto Shanaad iyo Saraakiil kale.

Saraakiisha ayaa markii ay kasoo degteen baabuurta waxa salaan sharaf ka qaateen Ciiidamada deegaanka,waxaana salaanta bixiyey Col. Xasan Turki oo ka mid ahaa macllimiinta deegaanka.
Markii salaanta ay qaateen ka dib ayaa Wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga iyo abaanduulaha Ciidanka waxa mid mid ay u salaameen Ciidanka feelka ku jiray ee salaanta u saaray sida aad ka arki kartiin sawairada hoos ka muuqan doona.

Kulan ay la qaateen Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan deegaanka ayaa looga wada hadlay qaabka loosoo celin karo kalsoonida shacabka deegaanka oo Dowlada Muqdiho ay u diiday inay deegaanadooda maamushaan iyadoo u adeegeysa qabiil dano gaar ah ka leh shabeelada hoose.
Waxa sidoo kale kulanka lagu soo hadal qaaday fashilka Dowlada Muqdisho ka heysta Gobolka iyo jabka Ciidamada amisom soo gaaray.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay doonayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen guuldaradooyinka Saraakiishii ka horeysay kasoo gaaray shabeelada hoose

DSC00580-1024x768

DSC00582-1024x768

DSC00583-1024x768

DSC00584-1024x768

DSC00585-1024x768

DSC00586-1024x768

DSC00588-1024x768

DSC00589-1024x768

DSC00590-1024x768

DSC00592-1024x768

DSC00593-1024x768

DSC00597-1024x768

DSC005761-1024x768

DSC005791-1024x768

DSC005891-1024x768

cowslafil.com

Be the first to comment on "Daawo Sawirada Saraakiisha Maleeshiyada Dowlada Muqdisho Ee Gaaray Nambar 50 (Magacyadooda iyo Jagooyinka)"

Leave a comment

Your email address will not be published.