Baaq Deg Deg ah oo ku socda dhamaan Beelaha Surre

Baaq Deg Deg ah oo ku socda dhamaan Beelaha Surre

Waxaan halkan Baaq uga direynaa dhamaan dadka ku abtirsado Beelaha Surre in ay
u midoobaan gardarada lagu hayo dadka iyo degaanada Surre.

Waxaan ku cad falalka dulmiga ah ee lagu xalaaleystay in la laayo wiilashiina, la barakiciyo shacabkiina, lana gubo degaanadiina ay yihiin falal aysan waxba ka qaban karin dowlada Hassan Culusow iyo Amisom toona.

Dowlada Hassan Culusow ayaa noqotay mid si toos ah loogu gumaado hubkeeda shacabka Direed.

Ciidamada Amisom ee ka yimid dalka walaalahayaga Jabuuti ayaa iyagana waxba ka qaban karin xusuuqa lagu hayo shacabka Kabxanley iyo Deefow.

Dowlada Jabuuti iyo ciidamadeeda ayaa noqday kuwa ka amar qaata, kuna daba feeylo siyaasada Dowlada Hassan Culusow oo noqotay mid si cad loogu gumaadayo beelaha Direed ee degen Hiiraan iyo Sh. Hoose

Dowlada Jabuuti ayaa noqotay mid aanan waxba ka qaban, ama kula xisaabtamin hubkii iyo ciidankii lagu soo tababaray Jabuuti, oo qeyb ka ah falal ka baxsan bani’aadanimada oo loogu geysan dadka iyo degaanada Kabxabley, Madiina, iyo Deefow.

Dhibka loo geysan dadka iyo Shacabka degaanada beelaha Direed waxaa isu baheystay

– Beesha horeyna u gubtay Kabxanleey, kuna xijisay Deefow iyagoo markii ay la kulmeen dhirbaaxo kulul, soo qaadan hubka qaranka

– Dowlada Hassan Culusow oo ka gaabisay, kuna fiirsan degaano soomaaliyeed oo lagu xusuuqi hubkii dowlada

– Dowlada Jabuuti oo ku fiirsan dadka degaanka Kabxanleey iyo Deefow oo lagu gubayo hubkii ay ugu yaboohday in lagu badbaadiyo shacabka Hiiraan

Haddaba waxaa halkan Baaq “Isku tasho, una tasho Degaanadiina iyo Shacabkiina” aan halkan uga direynaa gaar ahaan dhamaan dadka ku abtirsado beelaha Surre, iyo guud ahaan Beesha Direed oo lagu dhibaateyn degaanada Koonfurta Soomaaliya.

Waxaan ka codsan dhamaan waxgaradka, dhalinyarada, aqoonyahanada beelaha Surre (rag iyo dumarba) in ay ku dhaqaaqeen sidii ay uga badbaadin lahaayeen shacabkooda oo ay isugu tageen mooryaan, Dowlada Hassan Culusow, iyo weliba Dowlada Jabuuti oo hubkoode lagu dhameyn dadkii.

Surrow kaca, isku tashada, una tashada dadkiina iyo degaanadiina

cowslafil.com

8 Comments on "Baaq Deg Deg ah oo ku socda dhamaan Beelaha Surre"

  1. Cali Saraar Wiil Ciise - Dir. | August 6, 2014 at 7:35 pm | Reply

    Walalayaal Surre,
    Waxaad u baahan tihiin in aad xaqiiqda aad wajahadaan ama aqoonsataan. In la idin bara kiciyo, la idin laayo lana gumeysto. Waxaa sabab u ah idinka tala xumadiina: Marka aad dorateen in boqol walba ama laf walba oo idinka mid ah ey dhex dagto qabiil , sidii midgihii.
    waxaa idiin diidan in aad meel isugu soo guurtaan caqli xumadiina. Somalidu waxey ku maah maahdaa ( lax waliba meesha ey is dhigtaa lugu qalaa). Kuwa idiin ah qabqablayaasha ma ogola in ey arkaan surre isu soo guura ama meel soo wada daga, oo yeesha gobol ama dhul gaar u ah ayaga. maxaa yeelay , waxey aaminsan yihiin , haddii ey saas dhacdo in ey waayayaan jagoyinka ey ku baryaan facood oo ku helaan magacayada lafaha Surre ee ku jira gumeysiga ey dadkala martinimo ku la dagan yihiin. Ma laidinka waayey , cid soo qaada ama ku talisa: war saan ku jirnaa nama anfacayesee see ayaan ugu baxnaa?
    Xal kaliya waa iyaga oo ka soo guura , meelaha ey ku yihiin go’doonka oo meel isugu yimaada. Haddii ey taasi dhacdo, waxaa dhici laheyd in cidin awood u yeelan karin in mar labaad bara kiciso, ama gumeysto. si saas u dhacdo waa in aad iska eridaan , daba dhilifyada idin duleyey sida:
    Cabdi casiis shiekh Yusuf iyo Mahad Cabdale.

  2. Sabriye Faarax | August 7, 2014 at 11:06 pm | Reply

    Walaal Cali Saraar marka hore waad ku mahadsantahay aragtidaada ku aadan talo xumada Surre.

    Labo arrin ayaad ka dhawaajisay oo kale ah:
    1. In Surre ay ku haboon tahay inay meel isugu soo guuraan
    2. Iyo inay la dageen beelaha Surre qabqablayaasha hogaanka siyaasada

    Walaal Cali marka hore waxaan rabaa inaan kaa jahil bixiyo in aysan horey u dhicin Surre meel ay degen yihiin oo laga bara kiciyey ka hor inta dowlada Hassan Culusow iyo jamhuuriyada Jabuuti ay inagu soo hubeyeen dad qabiil gaar ah ka soo jeeda oo wax magarata ah, inoona adeegsaday hubkii qaranka inay ku gubaan degaanada Kabxanley iyo Deefow.

    Waxaa wax lala yaaba ah in marka hore intaad ciidan hal beel u badan (Xawaadle) aad ku taageerteen tababar ciidan iyo qalab, isla mar ahaantaana ay gobol ay saraakiishiina Jabuuti ay ka howlgalaan ay hubkii iyo ciidankii aad soo tababarteen ka door bideen inay u isticmaalaan dhulboob iyo in lagula dagaalamo beelo halkaa weligood degenaa,

    War ninka Ciisow waxba eeda dusha ha uga tuuran Surre ee waa inaad muujisaan masuuliyada idinka saaran taageeraha aad u fidineysaan wax magaratada gobolka Hiiraan ee u adeegsan gargaarka militery aad u fidineysaan xadgudub iyo isir sifeyn lagu sameyn beelo soomaaliyeed.

    War miyeysan habooneyn inaad la xisaabtamtaan dadkan cawaanta ah ee aad hubka iyo saanada militery siisaan, intaad Surre oo maanta lagu dhibaateyn Gobolka Hiiraan aad eedo dusha uga tuuri.

    Waxaa iiga muuqata qoraalkaaga inaad ka carari masuuliyada idiinka saaran inaad xakameysaan, lana xisaabtamtaan beesha aad inagu soo hubeyseen oo ka bilaabay Gobolka dhaqan xumo dagaal, degaano la gubo, beero la jaro, iyo dhul beereed dan u ah dadka iyo duunyada Gobolka oo la nabaadguuriyo xaasidnimo darteed.

    War nimankiina ciisa hadii aad magac shaqsi ku hadleysaan ama mid dowlad noqda dad qaata wanaaga iyo xumaanta ka timaada taageerada aad siisaan koonfurta soomaaliya, iyo weliba aanan ku sii indho adeegin qorshe xumada aad markii horeba ku taageerteen beel qura, kuna soo hubeyseen umadihii kale, welina aad indhaha ka qabsan markii ay u adeegsan hubkaas inay ku gubaan degaano soomaaliyeed.

    Isku soo wada duub, ma filaneyn in aad ka bilowdo halkan inaad eed dusha uga tuurto beel lagu dhabaateyn Hiiraan, adigoo ka cararaya inaad si geesinimo leh ula xisaabtantaan cawaantan aad ku soo hubeyseen dadka degaanada Gobolka Hiiraan.

    Sabriye Faarax
    Wiil Qubeys – Surre

  3. Anigoo ah wiil Ciise,
    Waxaa idinka soo diray qeyl dhaanta, waxaan aaminsanahay in dhibka gaar Surre u yahay mid aan aad u dareemeyno, haddii aan nahay dad ku abtirsada odayga DIR. Balse waxaa iiga muqataw meesha Surre in eysan wali muuqan xaqiiqda. oo wali
    ayn aqoonsan wax aan u sheegeyno. Somalidu waxey ku maah maahdaa ” nin wax ku siiya waa la arka , lakiin nin wax ku sheega ayaa ka muhimsan. Walaalayaal haddii aad dooneysaan in cadaw iska dhicisaan, xogiina meel isugu geeya. Runta wax weeye qabiil aan gobol u gaar laheyn oo macnaheedu yahay meel xoogiisu ku aruursan yahay, dagaal ma ku guleysan karo. Anigu inkastoo aan dago Jabuuti iyo itobiya , haddana waxaan ka mid ahaa jabhadii Somaliya u timi xoreenta Jabuuti, saas daraadeed Johar iyo Baladweyn ayaa ka mid aha meelihii dawaladii Siyad Barre na dajisay. oo inta gobolada Somaliyan socod iyo tababar ayaan ku maray.
    Marka Surre toban meelood ayuu jaab jaabo ku yahay, waa sababta cid waliba idiin hunguriyeneyso. Majiro qabiilo
    Somali ah oo dagaalanta isla marka lafba meel ku go’doonsan tahay. Dagaalkaan guul ku keeni meysaan ilaa aad meel isugu timaadaan. Runta waa saasa , Runta iyadu idiinama baahna , ee idinka u baahan. Suraha dagan Bay iyo
    Bakool iyo itobiya wakaas cid ha maagto, sababto oo ah waxey ku hayaan dabada Gaadsan oo dhan ka jirta, Gurre oo dhanka kale ka jira iyo Fiqi cumar oo dhanka kale ka xiga.
    sidaas qabiil gob ku noqdaa laan dheer, markii dhul weyn oo is heysta dhinaca isku hayaan. Xaqiiqda u kaalaya oo rumeysta , haddii kale maanta maalin aan aheyn dhib badan idin soo gaaray iyo meel walba oo ladinka soo qaxiyo ayaad xusuusan doontaan. kuwa leh Surre cadkiisa lama cunin waligiis khayaali ayaan u arkaa, Sababtoo ah Surre melaha ku dagan yahay Beri ama Puntaland, wuxuu ku hoos noolyahay oo dhib badan u geystay Majeerteen, kuwa ku dhex nool Habargidir sidoo kale dagaal ayaa lugu hayaa, kuwan hadda Xawaadle oo ah laan gaabka Irin samaale ayaa hunguriyeenaya. dhulka aad dagtiin idinka magiciina looma yaqaan ee dadka ayaa xukuma oo loo yaqaan

  4. Wiil Ciise. Fariin ku socoto Beesha Surre | January 6, 2015 at 8:44 pm | Reply

    KU SOCOTA SURRE.
    Adeer wax aan u qeylinayaa, waa dhiiga dhalashada oo naga dhaxeya. Waxaa tiri Isaaq waa noo hiiliyey. OK. haddii walaalahaye Isaaq naga fiicnadeen waxba kama qabno. Lakiin runta aan u soo dhaadhacno. Nikii dhul iyo saldhiga isaga loogu soo hagaago sameysta ayaa loo soo gurman karaa. Bal wakaase ciidan ha idiin yimaado, xagee ayaa la idinku soo hagaage , ileen waxad rabtaan hal meel in uu istaaanaado ayaad dooneysaan. Isaaq walaa Ciise walaa Gurgure , walaa Samaroon midna idiinma soo gurman karo.
    Maxaa yeelay meel ladinku soo hagaago waa diideen in aad isuga tagtaan. Af wax ma tarayo. oo haddi nin Hargheisa ka hadlay cidana dheg jalaq u siinmeyso. Waa khaldanahay haddii cidina idiin timaado. Ma waxaan idinku soo hagaanaa
    Towfiiq, oo Majeerteen iyo Habargidir dhexdooda , mise Bacadweyn oo Salebaan iyo Sacad dhexdooda, mise Xaraale misa Deefow. Adeer Qabiil aan dhul laheyn ma jiri karo, waa dawlad aan dal laheyn oo kale. Anigu waxaan qabaa Xawadle , Habargidir iyo Majeerteen in ey Asxaan idiin subiyeen, maxaa yeelay , wax idinku garan weydeen ayey idin dareensiyeen. idinku waxaa ku dagaalameysaan sidatan
    waan idin dhex joogi , oo waligey meeshaan la iga badan yahay ayaan gun ku ahaanayaa. Marna is weysiiseen waxa Xawadle u weereri waayey Janjeelo, Ujajeen, Gaaljecel? Ma weerari karo, maxaa yeelay mid kasta oo qabiiloyinkaas hal meel ayaa deegankiisu yahay oo cududiisu ku aruusan tahay.
    Bal ka yiri SURRE waligii isma dhiibayo. Ma dhiibaysaa haddaba lugu heysta in aad waligaa shishey laf laf u dhex dagan tahay. Adeer, Somali waa isleysay xooga ayey wax ku kale qaadataa maanta. nin waliba gees ayuu baxay, oo dhul iyo gobol isaga kaliya uu ku arrursanhay yeeshay.
    Gunaanka iyo gubaabadeydu was sidatan. Nimaan ogoleyn in uu degaan looga badan yahay ee shisheye dhex guuro oo meel cududiisa isugu guur. ma dagaalami karo. Looma hiilin karo , ileen ka hiilada ku imanaya ama taakulada soo diraya wuxuu baahan yahay meel u ku soo hagaajiyo.
    ka guur Deefow, KabaXananley, Shabeel, Bacaweyn, Xaraale
    iwm. oo hal isugu tag , haddii ey doonto ha noqoto meelahaan meel ka mid ama meesh dhulka tolkiin ku weynayaha ee Bay iyo Bakool iyo Baali biiraya. Haddii kale gunimada ogolaada , ileen idinkaa is badaye. Adeer haddii sida hadda aad ku jirtaan aad guul ku danbeyso, waxaan sheegay wax kama jiraan , ileen waxan hubaa guuladarada tala xumada idin heysa in aanan marnaba guul ku danbeyneyn. SURROW KA BAX WAX SOMALIDU U TAQAAN SAAR, OO MACNAHEEDU TAHAY, QABIIL AAN GOONI U ISTAAGI KARIN IN QABIIL KALE U MARTI AHAAT MOOYE AMA KU TIIRSANAATO OO LA JOOGTO.

    Wa Bilah Towfiiq.

  5. Wiil Ciise. Jawaab | January 6, 2015 at 9:12 pm | Reply

    War ninka Surrow oo faanaay oo yiri ” Waligeed lama arag surre degaan la kiciyey” Waan jeclaan lahaa in ey run tahay, Adeer faan been ah, iyo hafaray, aad naftaada hafartaa waa doqonimo. Horta bal aan ku weydiyee, Xagee rasmi ahaa luguu yaqaan oo wadanka aad ka dagtaa? meel kasta oo laf yari ka joogtqa dad kale yaa aduunka iyo Somaali u taqaan, waxaad joogta Bari , oo ah Puntaland, Majeerteen iyo walaalihii sida lalkase ayaa loo yaqaan. Waxaad joogtaa Galmudug Sacad ayaal lugu yaqaan, waxaad Bacadweyn waxaal loo yaqaan Salebaan, waxaad joogta Galguduud waxaa loo yaqaan Mareexaan iyo Habargidir. meel aad adigu gooni u leedahay ma jirto? maxaa hadda lagaa kiciyaa?
    Tan labaad tariikh hor dib u fiiri adigaa wadanka luguug yimid oo Bari ayaad dagi jirtay maantana ma jirta bar aad ku leedahay, jaab jaab dad kale dul saar ku ah mooyee.
    Waligey leema kicin ayaad tiri kuwa maanta lugu ciilayo Hiraan horay ugu soo qaxeen Bari iyo Mudug. Reer Agooni waxey dagi jireen labaatan san, waqtigii Siyad Barri Godob , jiraan, Jiriiban iyo Garow, maantan Hawiye ayey u soo carareen , hadan iyo dilay, oo meel dhex oo go’doon ayey ku jiraan, Qubeys Camaaro, marna Salebaan ayuu saar u ahaa, haddan Sacad iyo Galmudug eyey leexdeen, ileen walaalkood kale lama joogee, Reer Xeraale maanta idinku roon xoolo iyo tiri dadba, car wakaase ha la simeen Ceyr iyo Mareexaan. ha noqoto qeybisiga kuraasta iyo darajoonikal
    Mid aad tiri Cisow, waxaa taba barteen, Ciise kaliya ma ee waa dawlada Jabuuti oo isugu cidankood qab’iil fara badan , ha ugu badeen Ciise iyo Canfar. Hadaba adeer haddii meel isugu uruusanaan laheydeen sida ummada Ilahey ama Somalida qaba’ilkeeda kale, idinkana waxaa la idinku taba bari lahaa. Balse niman guri laheyn , hadeerna ey ka go’antahay in uusan guri yeelan cidan wax uma qaban karto.
    Waxaa la weydiyaa dhaliyarada Surre dibadaha joogta marka ey isku dayaan sida dad kale in u sheegaan ama ka dalbaan dawaladaha, ururada samfalka dadka ka jooga Somaliaya, waxaa ku filaata codsigooda, hal su’aal;
    Xagee ayaad ka dagtaan dalka ama khariirada Somaliya Kofureed? meel walba ey farta saaraan , waxaa luugu jawaaba sidatan. Mid farta saaraya bar yar oo Majeerteen dhexdiisa , waxaa loogu jawaabaa. tan waa Puntaland ee ma laf Majeerteen ayaad tahay. ma Darood ayaa tahay. maye.
    mid kale farta saaraya Habargidir dhexdeeda , jawaabtu waa sidoo oo kale. Halkaan waa Galmudug ma Habargidir ayaa tahay. mid farta saaraya Hiraan, War ma Xawaadle, Gaaljecel
    Jenjeelo ayaa tahay? Maye. Hadaba su’aashaas kuma koobna ayaga kaliya ee ilmohooda markey iskuulka tagaan ayaa ciyaalka kale weydiiyaan Somaliya xeegee ka dagtaa?
    laf oo surre ilmahood waxey sheegtaan gobol dad kale lugu yaqaan, Markaas la yiraahaa waa kuwii naga tirsnaa !!!!

  6. Sabriye Faarax | January 7, 2015 at 12:01 am | Reply

    Ku Wiil Ciise:

    Waxaas ku soo celcelisay in Surre uu teel teel u degen yahay, waxna ku noqon karin meelaha ay joogaan.

    Waxaad ka hadashay in aan iska indho tireyno xaqiiqda iyo runta dhanka dhibka Surre oo aad ku sheegtay in ay go’doon ku yihiin meel walba, aysan dhaceyn in ay wax ku noqdaan dadkale dhexdeeda.

    Adeer halkan faan ma yaal ee reeraha Surre ee degen Mudug oo deris la ah habargidir, majeerteen, mareexaan oo ah reeraha ugu shidada badan soomaalida, halkaa xoogooda ayey ku joogaan, oo haddii aysan cudud iyo xoog wax iska caabin karta aysna halkaa ku joogin hal maalin kuma noolaadeen mudug.

    Haddii aan u soo noqdo reeraha culumada (Faqi’yada), Hiiraan degen. Adeer wiilasha jooga Kabxanleey iyo Deefow waa isaga filan yihiin Xawaadle, balse dhibka ugu weyn ee heysta waa mid aad idinka reer Jabuuti inoo keenteen, dhibkaas oo ah inaad qabiil gaar ah tababar ciidan, dhaqaale, siiseen, welina siisaan, taasi oo abuurtay in balance’iga awooda dhaqaale ee gobolka uu meesha ka baxay, oo aad hal reer garab ku siiseen, welina aad iska indha tireysaan in reerkan aad awoodaa faraha badan ku taageereysaan ay yihiin cawaam wax ma garata ah oo dadkii dadka idiinku sokeeyey ay u adeegsan awooda ciidaan iyo dhaqaale ay idiinka helaan.

    Taa waxaa ka sii daran, ciidamada AMISOM ee jooga koonfurta waxaa lagu yaqaan inaysan qabiil ama reer gaar ah aysan baacsan karin. Tusaale, ciidamada UGANDHA ee jooga Muqdisho iyo Shabeelada Hoose, haddii hal xabad ay qabiil ama jaqsiyaad ay ku soo ridaa, waxay ugu jawaabaan TANGI iyo Hub culus oo ay tusaan inaysan aheyn rag lagu soo deg dego. Ragiina Ciise ee jooga Baladweyne waxaa tihiin laheystayaal Xawaadle ka cabsada, oo aan talaabo yar uusan Xawaadle ogoleen aadan qaadi karin. Tusaale, maalin dhoweyd waxaad isku deydeen inaad Rondo ku sameysaan dhulka u dhaxeeya Bariga Baladweyne iyo Kabxanley, Waa leydiin soo xabadeeyey, calankiina Jabuutina la gubay. Waa markii ugu horeysan oo aad ku dhaqaaqdeen wax uusan Xawaadle raali ka aheyn, inta kale waxaad tihiin dad u nacamleeye Xawaadle oo idinka iyo inta kalee joogta halkaa waxay doonaan ka yeelaan.

    Adeer adiguba ha iska indha tirin qabiilka gaarka ah ee Xawaadle, ee cawaanta ah oo hantidii, tababarkii iyo hubkii ciidaan aad siiseen aana cidna ugu aabayeeleyn oo waakan magacii AMISOM xitaa aad ceebeyseen, oo aadan qaadi karin talaabo uusan Xawaadle raali ka aheyn. Saaxiib waxaan moodaay ragga ciisa waxaan maqli jiray waa niman dagaalyahano ah, laakiin kuwa aad Hiiraan u soo dirteen ee laheystayaasha ah magacii AMISOM iyo reerka ciisaba wey ceebeyeen ee arag xaqiiqda meesha taal ee ha iska indho tirin.

    Waa run oo reerka surre Dhul uu degen yahay weligeed ma dhicin in laga qabsado, marka laga reebo Kabxanleey iyo Deefow, sababtana waa midaan horey u soo sheegay, reer gaar ah ayaad haddii aad tihiin dowlada Jabuuti si aanan ka fiirsi laheyn u hubeyseen, welina dhaqaale ku bixisaan, reerkan aad sida aan ka fiirsiga laheyn aad u hubeyseen ma aha dad qaadi karo masuuliyada qaranimo.

    Surre Mudug iyo dhulka aad ka hadleyso xilli kuugu danbeysay garanmaayo, ee aan bal kuu yara ifiyo. Beesha Surre Qubeys ee aan aniga ka dhashay ee degen koonfurta mudug, waxay degen yihiin 51 tuulo iyo magaalada Bacaadweyne oo ah caasimda. Bacaadweyne oo hadda ah magaalada ugu weyn, uguna population’ka badan koonfurta mudug oo idil, waxaa la yiraahdaa WISIL ayaa ugu weyn, balse haddaad tagto dhulkaa indhahaaga ayaad ku arki, in Bacaadweyne ay tahay magaalada ugu horeysa dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo weliba ay tahay magaalo camiran oo sii fideysa maalinba maalinta ka danbeysa.

    Sacad horey Qubeys meel u saareen dan iyo deris wanaag ayaanu ku wada joognaa halkaa.

    Saleebaan isagoo heysta hub iyo Hanti burcad badeed habeena kuma hoyan degaaan Qubeys leeyahay.

    Reer Faqi Muxumed Xeraale xoogooda ayey ku joogaan Galgaduud.

    Reer Saleebaan Abdalle iyo Qubeys waxaa xarun u ah Gaalkacyo, waana dad isku xiran, iskuna soo gurman karo haddii loo baahdo.

    Marka saaxiib arrintan aad ka hadleyso ee ah Surre ayaa teel teel u degen Mudug waa fikir gaboobay oo ah sidey wax ahaayeen boqolaal sanno ka hor. Haddase, intii dadkii waa tarmeen, iskuna fidiyeen halka ay degen yihiin, waxa ayna Surraha degen Mudug yihiin AWOOD muuqata oo aan cadkooda lagu gardaroon karin.

    Arrinta Hiiraan inagu heysata waa dhib aad idinka reer Jabuuti iyo Ismaaciil Cumar Geelle abuurteen, welina aad iska indha tireysaan, waadna ceebeyseen magacii dowlada Jabuuti, AMISOM, iyo kii Direed’ba, ee marka hore idinka ka xorooba Xawaadle, wiilashiina Hiiraan ku jooga magaca AMISOM iyo reerkan aad ku hubeyseen umadihii kale oo ah talo xumo masiibo iyo nabadgelyo darro ku abuurtay gobolka xal ka keena haddii aad tihiin reer Jabuuti.

    Inaga haddii aan Surre nahay waa inaga go’antahay inaan Xawaadle meel saarno, waadna arki maalin aanan fogeyn in arrintaas ay dhaqan geli Insha Allaah.

    Balse, su’aashu waxay tahay,

    Nimankiina reer ciisow goormaad ka xoroobeysaan Xawaadle?

    War magacii AMISOM, Dowladnimo, iyo Direed’ba waad ceebeyseen ee goormaad indhaha kala furi oo aad wax ka qaban jawigan cakiran ee aad ka abuurteen gobolka, ee maanta Xawaadle inuu wiilashiina aysan sameyn karin waxay raali ka aheen iyaga, haddii kale xabad, iyo calankiina oo la gubo leydiinku jawaabi

    Weli waxaad moodaa inay kaaga dhaqan tahay taariikh hore oo ay Surre teel teel u degeneyn ee reer tolkaa degaanadooda Mudug tag si aad indhaaga ugu soo aragto isbedelka cudud, dhaqaale, iyo awood oo ay halkaa ku leeyihiin.

    Arrinta Hiiraan’a dhibka ugu weyn ee ah reerkan aad inagu hubeyseen, welina dhaqaale, guryahooda iyo reerahooda aad u waardiyeyn, halka Xawaadle ay u dhaqaaqeen inay dhibaateeyaan umado kale iyo dhul boob, arrintan waa dhib ay Dowlada Jabuuti si toos ah aasaas u tahay ee qaada masuuliyada dhibka aad abuurteen, xalna ka keena idinkoo mahadsan.

    Sabriye Faarax
    Wiil Qubeys -> Surre

  7. War kaalaya Surre ma laha miyaa , hal nin wax garta?
    Bal eega ninkani waxa uu ku hadlaayo. wuxuu leeyahay Ciise ayaa la heysta u ah Xawadle. Adeer anigu ku faani maayo, Ciise ma dago Hiraan, Haddii aan hiraan ayaa joogeyna ku dagaalano waxaan noqon laheyn sidiina , dad ku dhex nool, Ciise wuxuu dagaa sadex dal Somaliland , Itobiya iyo Jabuti, intaas kala go’doon ma ah, oo cidana uma dhaxeyso oo dhinaca ayey isku hayaan. Haddii Ciise uu kale qeybsanaan lahaa sida Surre , sidiina ayaa mar Habargidir marn Majeerteen, qaarna Gaaljecel magan u ahaan lahayeen.
    Bal nink leh Ciise , Xawadle wax siiyey. War Ciidanka meesha jooga waa ciidan dawladeed oo ka kooban dad badan oo kale qabiil ah, haba ugu badnadeen Ciise iyo Canfar oo aan xitaa Somali aheyn, Waxa la bixiyo ciise ma bixiyo ee Jamicada qaruumaha midobay ayaa bixisa xitaa dawlada Jabuti ma bixiso. Adeer haddii waxa ee ka doodso oo aan idinkula talineyno aad yeeli laheydeen , mar hor ayaad dhul qabsan laheydeedn oo wadanka sida qaba’ilka Somalida oo kale gobol u yeelan laheydeen. Beesha caalamku waxey wax u ogoshahay ninkii gobolka xoog iyo tiro ku leh. Haddi aad gobol sameysan laheydeen sidaas oo kale ayaa la idiin ictiraafi lahaa.
    Waxa tiri reer agoonka Mudug go’doon ma , hadaba xagee u banaan. Waxba lama socotid ,mindhaa kama naxeysid, ma waxadan ogeyn anagoo ka waxa aan ognahay. Ma weyn dhicin in ey miciin bideen Majeerteenkii shalay ey is dileen oo ey Hawiye ugu hiiliyeen? ma waan malin walba laga qaadin baad oo luugu hanjibin jidka kaliya oo idiin furan waa idinka xireynaa.
    ma wadan ogeyn in rag reer agoon ah inta la xirxiray loo geeyey Puntaland oo qisaaseen. Adeer geesinimo iyo dagaalan aan caqli la socon luguma guleysto. waxa tiri qubeyska reer Bacadweyn 51 tuulo iyo magaala madax ayuu leeyahay. waa lugu qosol in ey run tahay waa jeclaan lahaa. Dee haddi 51 tuulo iyo magaal madax aad Mudug ku leedahay su’aashu waxa weeye: maxaa ku hoose dhigay Galmudug? Maxaa ugu murmaan Galmudug iyo Xubin Xeeb, mid waliba in aad iyada katirsantihiin? Aan idin aragnee gooni u istaag.
    Xagee u furan oo jid u ah dhulkaas 51 aad sheegtay, waa ognahay oo dhulka dhinacana Salbeen ka dago, dhinaca kale Sacad. Ma waxad mooday muran iyo dagaalka sokoyo ka dhexeye in waligii sidaa ahaan , waa dad walaal ah oo weey heshiin doonaan , goorey noqotaba, ma ilowday in Sacad iyo Salebaan labad dakano idinka dhexeyso.
    waxa tiri waligeed ma dhicin surre la kiciyo, Defow iyo Kabaxananley mooyee. Walee haddii aynaan badali caqli hadda aad ku doodeyso oo shan meel qabiil kale caloosheed ha ka dagaalanto. kuligiin meesha Deefow maraa mareysiin.
    Gunaanadka waxa weeye doqonto ninka gubaabiya oo danteed u sheeg ayey cadaw moodaa. Dirka aruursan ee xooga leh qaarkood calamada iyo dawalaha leeyihiin iyo dhulka, sida reer Shiekh Isxaaq, Ciise, Gurugura iyo Samaroon, waxba idiin ma tari karaan, maxaa yeelay ninka loo gurmanayaa waa in uu leeyahay meel loogu soo gurmado. Nimaan degaan u dago laheyn mid uu dad la jooga maahee. Xagee aad dagtaa oo aan idinku soo gurmanaa? meel ma lihid. in aad isu soo guurtana waa diiday oo waad ka xanaaqi. taasi waxey la mid tahay nin
    cudurka TB qaba oo dhawaceed u dhimanay oo diidan in is daweeyo. Gunaandku aan runti idiin sheege anigu waa idinla hadlayaa oo idin gubaabinayaa. Dirka xooga leh qaarbaa yiri war waxaan jirin ayaad la hadleysaa.
    Dee qushigiina oo macnaha haddii aad ka xanaaqeysiin war sitan isu dhaama. oo runta ceey u qaadaneysaan. ikhtiyaar ayaad leedihiin, nin waliba ayaa ka talin tiisa waa madaxbanaan yahay OK. War aan cadeyno sida aad hadda ku sugun tihiin oo umada Ilaahey oo dhani u aragto gunimo. hadey idinla fiicantah Ok. Balse noo daaye magaca DIR. oo magaca kale la baxa , ileen ceeye ayey noqoneysaa anagoo gob ah oo tashanay , xoogaaygu aruusan yahay oo dhul leh, ma maqli karo in aan magac la wadaagno dad sida midgaha dad ku dhex nool in ey ka tashadaan oo ka tagaan oo ey meel isugu tagaan diidan. Haddii aad magac noo deyn weydaan anagaa idiin deyneyna. oo Dirnimada aan dhalanay dartiin indha xumadiin uga baxeyna. oo sida hadab qaar uga faanan ayaad arki doontaan ninka Ciise, Samaroon ama Gurgure oo leh ma ahi oo ku akaan doona lafta uu ka dhashay, saa ayadaa ugu filaatay in uu noqdo gob dhul iyo dad aruusan leh. Mar haddii aad idinku dooneysaan in wasakheysaan magacii odayga weyn
    oo aad dooneysan laf yari la hoos tagto Puntland, midna Galmudug, midna Raxeywen oo ah dawalada Kofur Galbeed.
    Xawaadle asxaan ayuu idiin sameyey oo wuxuu idin garasiiyey in meesh aad ku yartihiin oo aad isaga guurtaan.
    Surrow sidaan talo xumo waad ku baabie ogaada.
    Hadii qaarkii hadlay ee aaminsan yihiin sida ey ku sugan yihiin ey ku faani. Hadalkayagana maanta ugu danbeysa, bal waa arki talo xumo natijadeeda.

    • Sabriye Faarax | January 9, 2015 at 1:47 pm | Reply

      War ninka Ciise ee leh qof baa carooday, hadalkiisana ay ka muuqato in haddii uu jiro qof carooday uu yahay Wiilka CIise ee halkan wax ku soo qora, oo ku soo gunaanuday qaraalkiisa hadalkeyga maanta ayaa ugu danbeysa.

      Hadde ma waxaad ka carootay in Ciise lagu sheege ciidan jabuuti ee jooga Hiiraan inaysan qaadi karin talaabo aysan xawaadle raali ka aheyn, oo haddii aad sameysaan leydiinku dhigi tii idiinku dhacday maalin dhoweyd. Arrintan ma aha arrin an uga been abuuri ciidanka jabuuti, balse waa mid jirta oo dadka oo dhan ay ogyihiin.

      War haddaad leedahay magaca Dir waan idiin deyn, haddaad saa sameysaan wax macno leh inaguma soo kordhineyso haddii aanu nahay beelaha Surre iyo Biyamaal ee u taagan, una dhiman magacan. Sababtoo ah, walaaltinimadan aad sheegi wax ay inagu soo kordhin ama ay inoo qabatay taariikhda soomaali soo martay ma jirto, haddaad Dir inoo deysaana wax inaga maqan ama aan tabeyno ayaa iska yar saaxiib,

      Bal aan Beesha reer Isxaaq iyo Qaranka Somaliland wax aan ka sheego, waa dad gob ah oo siyaasigooda, oday dhaqameedkooda, iyo bulshadoodaba aan garab ka helno. Balse Ciise waxay doorbideen in dowladiina ay dad xayawaan ah tababar iyo garab u noqdeen, iyo adiga oo meelaha wax ku soo qora oo leh, ama aad moodo inuu ku hadlayo afka Xawaadle, ka guura halka aad degtaan. Adeer soomaaliya maanta ma jirto dhul iyo degaan cusub hadda la sameyn, ama loo guuri,

      Ciise/ciidanka Jabuuti hawiye wax ma u qabtay, haa
      Ciise xawaadle ciidan ma u soo tababaray, haa
      Ciise Xawaadle degaankooda iyo reerahooda ma waardiyeeye, haa
      Ciise Xawaadle sida ay wax u rabaan hadduu sameyn, xabad iyo meel ku dhac weyn oo lagu sameeye astaanta qaranka jabuuti maku sameeye Xawaadle, Haa,
      Ciise haddii uusan sameyn karin wax uusan xawaadle raali ka aheyn, ma yihiin ciidanka jabuuti la heystayaal, HAA

      Haddii aad intaa ka carootay oo aad ku hanjabeyso Dir’nimada ayaan idiinka bixi, halkana wax kuma soo qoreyo, taa wax ay inoo dhimeyso ama inagu soo kordhin ma jirto. Shalayna ma arag walaaltinimo Ciise ay wax inoogu qabteen oo aan ku waayi haddii aad carooto oo aad horey u socoto.

      Maanta walaalaha rasmiga ah hadal lama soo taagna ee garab siyaasadeed, dhaqaale, shacbiyad, niyad dhis intaba waan ka helnaa, sida walaalaha iyo shacabka Jamhuuriyada Somaliland.

      Adinka Ciisow kiina meelaha wax ku soo qorana sidan ha u hadla, kii aad Soomaaliya u soo dirtaana magac xumo AMISOM iyo Jabuuti intaba waa leydiinka hayaa. Meesha Ciidan dowlad jirta oo matala AMISOM noqda, ama isaga taga oo joojiya taageeraha aad siisaan cawaanta Xawaadle.

      Sabriye Faarax
      Wiil Qubeys -> Surre

Leave a comment

Your email address will not be published.